Skip to main content

Posts

Posts

Hanaanka Dhaqaale ee Islaamka

Dhallinyaro, sida aanu rumeysannahay islaamku waa dhambaal ka yimid eebbaha hufan ee aanan lala wadaagin saamiga uunka. Milkiilaha ay farsamadiisu ku yimaadeen kuna joogaan dhiska cirirka iyo dhulalka. Waa baydariga aanan lagu wehelin farsamada iyo farshaxanka cimilada muuqatada iyo ma-muuqatada ee uunka noolaha iyo ma-noolahaba leh. Raxmaddiisa dhimrinta badan ayuu kamid yahay dhambaalka islaamka, taas oo aadamiga lagu hoga-tusaaleynayo tubta nolosha ee toolmoon ee ka maran gaajada, aqoon-darrida iyo is-cabiidsiga. Dhaqaalaha Islaamka waa aqoon bulshadeed ee hagaajineysa hannaanka maaliyadeed ee bulshada aaminsan dhambaalka islaamka, isla-markaas ku qanacsan in ay ku badbaadiso hantideeda maaddiga iyo macnawiga ah. Waa hannaan aqooneed oo aadamigu uu ku baraarugey dhowaan, misana si dhakhso badan ayaa waxay ku noqotey faracyada culuumta dhaqaalaha ee lagu takhasuso kuwooda ugu mudan. Sababtu waxay tahay saldhigyada aqoontan oo ah mid garashadeeda uu xasiliyay axad aqoontiisu faxan...

Latest Posts