Hanaanka Dhaqaale ee Islaamka
Dhallinyaro,
sida aanu rumeysannahay islaamku waa dhambaal ka yimid eebbaha hufan ee aanan
lala wadaagin saamiga uunka. Milkiilaha ay farsamadiisu ku yimaadeen kuna
joogaan dhiska cirirka iyo dhulalka. Waa baydariga aanan lagu wehelin farsamada
iyo farshaxanka cimilada muuqatada iyo ma-muuqatada ee uunka noolaha iyo
ma-noolahaba leh. Raxmaddiisa dhimrinta badan ayuu kamid yahay dhambaalka
islaamka, taas oo aadamiga lagu hoga-tusaaleynayo tubta nolosha ee toolmoon ee
ka maran gaajada, aqoon-darrida iyo is-cabiidsiga.
Dhaqaalaha
Islaamka waa aqoon bulshadeed ee hagaajineysa hannaanka maaliyadeed ee bulshada
aaminsan dhambaalka islaamka, isla-markaas ku qanacsan in ay ku badbaadiso
hantideeda maaddiga iyo macnawiga ah. Waa hannaan aqooneed oo aadamigu uu ku baraarugey
dhowaan, misana si dhakhso badan ayaa waxay ku noqotey faracyada culuumta
dhaqaalaha ee lagu takhasuso kuwooda ugu mudan. Sababtu waxay tahay saldhigyada
aqoontan oo ah mid garashadeeda uu xasiliyay axad aqoontiisu faxan tahay, una
taagan ilaalada maslaxadda uunkiisa.
Intaynaan
u guda-gelin hannaanka dhaqaale ee Islaamka, aynu isla-qirno marka hore
Islaamku in uusan ahayn diin cibaado oo keliya, bal uu yahay mid qiimo gaar ah
siiyay hagaajinta xiriirka ka dhexeeya dadka. Taasina waa mid uu ku hagaajinayo
nolosha guud ee bulshada.
Markaad
eegto aayadaha quraanka ah, kuwooda ka hadlaya cibaadada, farriimahooda waxay
ku imanayaan si guud (Saaladaha ooga, Ramadaanka sooma, Sakada bixiya). Laakiin
marar badan oo quraanku uu ka hadlayo xiriirka iyo mucaamalaadka dhex-maraya
xubnaha bulshada, waxaad arkaysaa in si tifaf-tiran uu quraanku uga hadlayo.
Tusaale-dhig waxaa ah aayadda ka hadleysa deynta la-kala qaadanayo oo ah
aayadda ugu dheer quraanka. Waxaa intaas dheer cibaadaadkii oo mid-walba lagu
sheegey in ay raad ku leedahay hufnaanta nafsadda qofka, taas oo markii ay
hagaajiso qofkii uu noqonayo mid bulshadii wanaag ku soo kordhiya. Salaaddii
ayaa lagu sheegey mid munkarka reebta, soonkii iyo sakadii ayaa lagu sheegey
kuwo qofka nadiifiya.
Aragtidaas
uu Islaamku la yimid, isaga oo ah dhambaalkii ugu danbeeyey ee xagga eebbe ka
yimaada, xeerarkiisu waxay ku buuxiyeen wixii qawaaniin ahaa oo aadamigu uu ku
dhaqmi lahaa xilli-walba oo goortu tahay iyo xayndaab walba oo goobtu tahay.
Sida uu u hagaajiyay xeerka denbiyada, xeerka qoyska, xeerka colaadda, xeerka
caalamiga, xeerka siyaasadda, xeerka ciqaabta, ayuu u hagaajiyay xeerka maaliyadda. Hannaanka Dhaqaale ee Islaamka,
waa aqoon ku cusub maxfallada aqoonta maaliyadda, laakiin saldhigyadeeda waa kuwo horey u jirey oo
waxay ku lammaanaayeen bayaankii curashada shareecadda islaamka. Waa hab
dhaqaale oo hannaankiisu uu ka macquulsan yahay kana wanaagsan yahay,
isla-markaas uga turid badan maslaxadda aadamiga labada hannaan ee kale oo
dunida maanta lagaga dhaqmo ee kala ah hannaanka hanti-goosiga iyo hannaanka
hanti-wadaagga.
Hannaan
walba ee dhaqaale wuxuu ku shaqeeyaa saddex arimood oo kala ah wax soo-saar
(Proudction), qaybin (Distribution) iyo qaadasho (Consumption). Hannaanka
dhaqaale ee islaamka, isaga oo daryeelaya maslaxdda aadamiga, wuxuu la yimid
mabaadi’ iyo xeerar uu ka ilaalinayo in aadamigu uu isku-dulmiyo. Sidaa
darteed, markii uu xoojiyay fahamkii wax soo-saarka oo uu ka dhigey cibaado
Eebbe loogu dhowaanayo, ayuu qaybintiina u sameeyey qaab wixii la soo saaray ay
ku gaaraan noolaha, iyada oo il-gaar ah lagu eegayo kuwa maatada ah ee bulshada
ugu liita. Halkaas ayay bulshadii ku
noqoneysaa kuwo isu adeega oo is-buuxiya.
Haddaba
ujeeddada guud ee Islaamku uu ka leeyahay hannaankan wuxuu yahay in la
xaqiijiyo cadaaladda dhaqan-dhaqaale (socio-economic justice), iyada oo la
adeegsanayo habaynta khayraadka yaala dhulka oogadiisa iyo kuwa ku aasan dhulka
gudihiisa. Iskaashi iyo wada-shaqayn ayaa lagaga mira-dhalinayaa si loogu
guuleysto arinkaas. Waxaa taasi lagu yareynayaa farqiga u dhexeeya dadka wax
haysta iyo dadka aanan wax haysan ee bulshada dhexdeeda ah. Dhaqaalaha caynkaas
ku dhisan, Islaamku wuxuu ku doonayaa dhismaha bulsho ku liibaanta nolosha
adduun iyo nolosha aakhiro. Liibaanta dunida waa saddex: (1) nabad iyo
xasillooni. (2) xoriyad iyo madax-bannaani. (3) inaan gaajo laga wel-welin.
Liibaanta aakhirona waa saddex: (1) denbi-dhaaf eebbe. (2) abaal-marin eebbe.
(3) raali-ahaansho eebbe.
Hannaankan
waa mid lagu dabaqi karo si waafaqsan shuruudaha ay wadato nolol walba oo
bulsho leedahay (beeralay, xoolaley, wershadley, macdanley, farsamaaley, ugaarsato, kalluumeysato, iyo bulsho intaba
isku darsatay). Waa hannaan ku dhisan mabaadi aanan wax laga beddeli-karin oo
laga soo dhambalay aayadaha quraanka ah iyo sunnada tubtii suubanaha Maxamed ah
(shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Iyada oo arinkaas laga duulayo,
erey-bixinta uu quraanku ku sheegey dhaqaalaha wuxuu yahay al-maal (المال).
Casharkii 2-aad
“ وَإِذْ
قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي
جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً
”
(suuradda Al-Baqara, aayadda 30-aad)
Sida
ka muuqata aayadda, mudnaanta aadamiga la siiyay waxay tahay in ummadaha eebbe
uumey ayan jirin ummad ka sharaf badan iyo ummad ka aqoon-badan dadka. Mudnaantaas
waxaa loo raacshey in iyaga iyo dhashooda loo hibeeyey dhulka iyo waxa dushiisa
saaran iyo waxa gudihiisa ku jira gebi-ahaantood. Ujeeddo la’aan looguma
dhiibin xilkaas culus. Bal, hooshaarka aadanaha reer ahaan loo huwiyey waxaa ka
ratibmaya masuuliyad lagula xisaabtamayo.
Masuuliyaddaasi waxay ku soo
ururaysaa laba arimood. Mid waxay tahay
in ay adeecaan oo u dhega-nuglaadaan axadka mudnaanta siiyay iyaga oo u
mahad-celinaya. Midda labaad waxay tahay in ay camiraad ku gutaan waajibka ka
saaran hantidaas la dhaxalsiiyey.
Waxaa
xusid mudan in dhismaha hannaan dhaqaale uu u baahan yahay goob ay wax soo-saar
ka jirto. In hannaan dhaqaale loo dejiyo goob uusan wax soo saar ka jirin,
waxay lamid tahay in xeer loo sameeyo degaan ayan dad ku nooleyn. Sidaas
darteed ayuu dhaqaaluhu u yahay curin wax soo-saar. Aayaddaas quraanka ah ee
aanu soo xusney waxay muujisey milkayadda dhulka in gacanta loo geshey
aadamiga. Ka-shaqeysigiisuna wuxuu u baahan yahay hannaan lagu maareeyo
dhaqaalihiisa oo aanan leysku dulmin. Aayado quraan ah oo badan ayaa xoojinaya
arinka la xiriira in dhulka laga shaqaysto, weliba dhiiri-gelinaya in loo
dhibtoodo hawl-qabashada. Waxaanu ka xuseynaa aayaddan:
“ هُوَ ٱلَّذِى جَعَلَ
لَكُمُ ٱلْأَرْضَ ذَلُولًا فَٱمْشُواْ
فِى مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ
مِن رِّزْقِهِۦ ۖ
وَإِلَيْهِ ٱلنُّشُورُ”
(suuradda Al-Mulk, aayadda 15-aad)
Aayaddu
waxay inoo tilmaamaysaa hantidaas xooggan ee ah dhulka iyo wuxuu xambaarsan
yahay in ay yihiin wax leynoo hibeeyey, loona baahan yahay in laga shaqaysto.
Ereyga lagu xusey aayadda ee lagu sheegey in leynoo dulleeyey waxaa laga
dhadhansanayaa inaan la fariisan ee la adeegsado uunkaas inoo cabiidsan.
Laakiin arinkaas waxaa raacsan oo in xasuusta lagu hayo la doonayaa hadafka
danbe inaanan la illaawin. Hadafku wuxuu yahay in ay jirto isla-xisaabtan ka
danbeysa hadiyaddaas leysa siiyey iyo sida loo adeegsado.
Muddo
dheer ayuu aadamigu ogaal u lahaa in dhaqaalaha guuleysta uu yahay mid ka
yimaada shaqooyin xooggan oo la qabto. Shaqadana asalkeedu waa dhulka oo laga
shaqeysto, taas oo la raacsho feker iyo khibrado ururey oo dadku ay iska
dhaxlaan. Dhulkaas baaxadda wayn, aqoon-yahannada dhul-baradka ah (Geologists)
waxay sheegaan in uusan jirin 1 meter oo afar-jibaaran oo aanan kheyraad
lahayn. Laakiin dadka ayaa waxaa ku yar aqoontii ay uga faa’iideysan lahaayeen.
Bal aayaddanna aanu isla-eegno sida ay u baraarujineyso kuwa ma shaqeystayaasha
ah.
“ إِنَّ ٱللَّهَ يُمْسِكُ
ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ أَن تَزُولَا ۚ
وَلَئِن زَالَتَآ إِنْ أَمْسَكَهُمَا
مِنْ أَحَدٍۢ مِّنۢ بَعْدِهِۦٓ
ۚ إِنَّهُۥ كَانَ
حَلِيمًا غَفُورًا ”
(suuradda Faadir, aayadda 41-aad)
Waa
aayad kale oo basharka lagu dhiiri-gelinayo in ay dhulka ka shaqaystaan.
Culimada dabiicad-baradka ah (Physics) waxay ku qiyaasaan miisaanka dhulka in
uu yahay ku dhowaad lixdan tirilyan oo trilayn oo tan
(60,000,000,000,000,000,000,000,000 tons). Ogaada in miisaanka walaxda iyo
muggeeda ay laba arin kala yihiin. Natiijada xisaabtan waxaa suuragal ah in
qaarkiin la yaabaan oo ay is weydiiyaan
sidii ay suuragal ku noqotay in dhulka
la miisaamo. Arintaasi waa sahal oo waxaa loo adeegsaday xeer fiisiko ah oo
xisaabtiisu ay fududahay, kaas oo dugsigii sare aad ku soo qaadateen. Waa
xeerkii uu fahamkiisu heley IssNewton ee awoodda cuf is-jiidka. Haddaba dhulka
culeyska intaas le’eg ku fadhiya, eebbe ama haku hayo xeerka cuf is-jiidka ee
walxaha oo Issac Newton lahaa ama haku hayo xeerka shabaagta uunka oo Albert
Einstein uu ku xusey isu-dhigantiisa guud, amaba xeerar kale oo aynaan weli
fahamsanayn haku hayo, waxaa xaqiiq ah in dhulka aanan loo hayn in macna-darri
iyo fadhi ku-dirir loogu dul-noolaado.
Shaqada
dhaqaalaha abuurta ee islaamku uu dadka farayo waa dhaqdhaqaaq walba iyo fikrad
kasta oo qofku uu isaguna wax isku-tarayo, bulshadana uu wax ku tarayo. Markii
shaqadu ay tahay in heer bulsho loo qabto waxay u baahan tahay qorshe heer
bulshadeed ah oo fikradda, farsamada, hawl-qaybsiga iyo hab-raaca intaba laga
doonayo cidda masuulka u ah bulshadaas. Aadamigu waayo badan ayuu la soo
kufaa-kacayay si uu u guto xilkaas oo waxay lahaayeen kuwo ku saaqida iyo kuwo
ku aflaxa. Dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa oo ay ku curinayeen il-baxnimooyinkii
taariikhda galay, shaqooyinkii badnaa oo ay qabteen waxaa ka curtay nadaamyada
kala duwan ee dhaqaale ee dunida soo maray. Haddaanu ku soo dhowaano hannaanka
Dhaqaale ee nolosha casriga ah, wuxuu yahay hannaan ay ku soo abyoodeen wixii
nadaam dhaqaale ahaa ee ka dhismay xarakaadkii nololeed ee taariikhda soo
maray. Hannaankan casriga ah ee dunida maanta lagaga dhaqmo waa mid ku lifaaqan
aragtida cilmaaniyadda, kaas oo ujeedkeeda danbe uu yahay qancinta nolosha
maadddiga ah ee basharka.
Casharkii 3-aad
Haddii
aanu u fahamnay in dhaqaaluhu yahay hannaan bulshadeed ee la xiriira nidaam
wax-soo-saar iyo nadaam maareyn, waxaa muhim ah in halka uu ku abyoonayo ay
noqto meel uu hannaankii ku go’aamiyo
qoondaynta agabayada ee bulshada dhexdeeda. Wax-soo-saarka iyo isticmaalka
badeecadaha iyo adeegyada, guud ahaan waxay buuxinayaan baahiyaha kala duwan ee
aanan xuduudda lahayn ee aadamigu uu qabo. Dhan kale haddaanu ka eegno,
dhaqaalaha waa fagaarayaasha wax soo saarka, qaybinta, ganacsiga iyo adeegyada
bulshada. Si guudna waxaa lagu qeexaa in uu yahay fagaare ay bulshadu ku
cabbirto dhaqdhaqaaqeeda maaddiga ah ee la xiriira wax soo-saarka, adeegsiga
iyo maareynta khayraadka ku yar nolosha bulshada dhexdeeda.
Sida
qaalibka ah, hannaanka dhaqaaluhu waxaa saldhig u ah deegaan isku jaan-go’an oo
bulsho aadami ah ay ku nooshahay. Ttusaale ahaan, duddo, degmo, gobol ama
dowlad. Dabadeed bulshadaasi heer kasta oo ay tahay, waxay qorshe mideysan ugu
hawl-galaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen hantida ma-guurtada ah oo ay
dhaxalka u heleen. Hantidaasi waa wax-kasta oo cimilada ay bulshadu ku
nooshahay laga helayo, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu xoojiyo nolosha
xubnaha bulshada, isla-markaas daboolaya bahiyadooda guud iyo gaar. Waxaa kamid
ah biyaha, ciidda, birta, buuraha, macdanta, xoolaha, shidaalka, hawada,
ileyska qorraxada iwl. Intaas oo hanti ah midda ka wada qiimi-badan oo bulsho
ay ku naalooto waa dhallinyaradeeda.
Wadar
ahaan hantidaasi waa dhaqaalaha rasmiga ah oo eebbe u gartay aadamiga in ay
dunida ku masruuftaan illaa cimriga nolosha ay gaba-gabowdo. Laakiin si
bulshadu uga faa’iideysato waxaa lagama-maarmaan ah in ay diyaariso xooggii
aqooneed oo adeeggan u qaban lahaa. Sidaa darteed macnaha dhamaystiran ee dhaqaalaha
wuxuu yahay sida wanaagsan ee uu u dhaco agaasinka wax soo-saarka, kaas oo ay
weheliso tayada badeecadaha iyo adeegyadeeda. Haddaanan la helin siyaasad
wanaagsan oo lagu maareeyo, hantidaasi wax macna yeelan-meyso oo dadkeeda waxay
u dhamaanayaan gaajo iyo cudur. Haddaba
hannaanka dhaqaalaha Islaamka waa mid hagaajinaya wax soo-saarka iyo
maareyntiisa. Waa hannaan ku dhisan aqoon dhaqaale ama dhaq-dhaqaaq dhaqaale,
kaas oo ku saleysan hab-raaca xagga mabaadiida iyo manhajka Islaamka. Waxaa
jira oo dadka badankood ayan fahamsanayn in hannaan dhaqaale ee walba uu yahay
mid ku dhisan caqiido. Sidaa darteed hannaanku waa inuu si isu miisaaman u
dheelli-tiraa dhanka habaynta nolosha dhaqaale ee bulshada uu matalayo iyo
dhanka dhowrista fikradaha uu ku dhisan yahay ee uu ku shaqaynayo. Waayo
hannaan walba ee dhaqaale maahan mid ka madax-bannaan fikrado urursan oo leh
dhaqan, caqiido, siyaasad iyo anshax wada-socda. Curashada aragtida uu hannaan
walba ku dhisan yahay iyo hayaanka ay fikraddu kula soo nooleyd waxay
khasbayeen in ay heshaa degaan ay ku fal-gasho iyo xikmad-yahanno ka shaqeeya
socodsiinteeda.
Tusaale
ahaan haddii daraasad lagu sameeyo caqiidada hannaasnka dhaqaale ee
hanti-goosiga oo ah hannaanka sida xooggan uga shaqeeya dunidan casriga ah, waxaanu
ka dhex-heleynaa fikradaha aasaasiga ah ee uu ku salaysan yahay mabda’a hanti-goosiga. Mowduucyada
badan oo dhaqan ahaan la xiriira dhinaca hannaankan waxaanu ka dhex-arkaynaa
nadaamka bangiyada, caymisyada, sharciyaynta, cabbirka siyaasadda ganacsiga,
iyo saamaynta hanti-wadaaga ee dabaqadaha dhexe, siyaasadda gaarka ah ee lagula
dhaqmo saboolka, haweenka, iyo dadka laga tirada badan yahay. Waa hannaan
culimadii dejisey ay iska indha-tireen muhimadda ay leedahay nolosha dhinkeeda
ruuxiga ah.
Inta
badan, dhaqaal-yahannada u dooda hanti-goosiga waxay ku doodaan sama-qabka
xaqiijinta tirada agabka maadddiga ah ee qofku adeegsado si uu danihiisa guud u
guto, uguna raaxaysto nolosha. Qaabka xad dhaafka ah ee dhaqaalaha
cilmaaniyadda ku dhisan uu ula dhaqmo hantida, maahan mid aqoonsan in hanuunka
eebbe uu yahay mid uu door uga bannaan-yahay nolosha aadanaha. Sidaa darteed,
culimada dhaqaalaha cilmaaniyadda ku dhisan,
waxay kalsooni buuxda ku qabaan awoodda aadanaha si ay u soo bandhigaan
xeelad habboon iyaga oo kaashanaya sababo u muuqda.
Dhaawaca
weheliya aragtiyada dhaqaale ee casriga wuxuu yahay iyada oo hannaankooda
dhaqaale uu ku yar-yahay doorka uu anshaxu ku leeyahay in aadamiga si hufan oo
siman loogu qoondeeyo looguna qaybiyo kheyraadka dhulka. Marka la waydiiyo sida
loo heli karo danta bulshada marka qof kastaa uu haysto xoriyad aan xadidnayn
oo uu ku fushado dantiisa gaarka ah, jawaabta ay ka bixinayaan waxay tahay in
ciidamada suuqa laftoodu ay xaqiijin doonaan arintan. Taasna waxay ku sababeeyaan, tartanka ka jira
sayladaha xorta ah in uu yahay midka ilaalinaya isu dheelli-tirka danaha gaarka
ah ee la kala leeyahay.
Dhab
ahaan haddii loo eego, arintaasi waa midda keentey in seyladuhu u
af-duubnaadaan qoysaska hodanka oo dadka saboolka ah ka xayirtay tartanka.
Waana sabab kamid ah dhaqaale-yahannada reer galbeedka in ay u iishaan
hannaanka dhaqaale ee islaamka. Ninka la yiraashdo Jack Austerey oo ah
dhaqaal-yahan hal-door ah una dhashay dalka Fransa wuxuu kamid yahay
aqoon-yahannada bilaabay in ay tilmaamaan nuqsaanta wehelisa hannaanka dhaqaale
ee casriga. Hadal uu yiri ayaa wuxuu ahaa sidan:
“
Waddada lagu kobciyo dhaqaalaha maahan mid ku kooban labada hannaan ee caanka
ah oo keliya (hanti-goosiga iyo hanti-wadaagga). Bal waxaa jira mad-hab
saddexaad ee hannaan dhaqaale ah, taas oo ah mad-habta hannaanka islaamka.
Iyadu waa mad-hab dunida si caam ah uga shaqayn-doonta mustaqbalka. Maxaa
yeeley waxay matashaa hab nololeed oo dhamaystiran ”.
Aqoonsigan
wuxuu imanayaa si uu u muujiyo nuqsaanta labada hannaan ee casriga ah, taas oo
uu buuxiyay hannaanka dhaqaale ee diinta islaamka ay leedahay. Labadan hannaan
oo midna uu xoojinayo xuquuqda qofka hantiilaha ah midka kalena uu xoojinayo
xuquuqda bulshada, ayuu Jack Austerey wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ku
eg xudduudaha dowladaha kala aaminsan oo aanan u tallaabi karin xudduud laga
aaminsan yahay hannaan kale. Waxaa kale oo jira in dhaqaalaha islaamku uu kaga
duwan yahay hannaanyada kale iyada oo hnnaanka islaamku uu xiriir la leeyahay dacalladii
kale ee nolosha. Hagaajintiisa waxaa bulshada ugu hagaagaya xagal walba oo
noloshu ay leedahay.
Casharka 4-aad
Waxaa
nolosha soo maray dugsiyo kala duwan oo lagu xalliyo mushkiladaha dhaqaale ee
basharka. Sida aanu soo xusney kuwooda ugu milgaha wayn waxay yihiin labada
nadaan ee maanta lagaga dhaqmo dunida (nadaamka hanti-goosiga iyo nadaamka
hanti-wadaagga). Waxaa jira hannaan dhaqaale oo kale oo qudhiisu ah nadaam
casri ah. Laakiin xusiddiisu way ku yar-tahay qoraalada iyo doodaha aqooneed ee
lagaga hadlo nadaamyada dhaqaalaha. Kaasi waa hannaan isku-dhafka ah. Sanadihii
1930-meeyadii, aafooyin dhaqaale iyo bur-bur heer carri-edeg gaaray, taas oo ay
ka dhalatay diiqaddii weyneed (The Great Depresson) waxay dhaliyeen in
dhaqaalihii dunida uu xumaado.
Arintaasi
markay dhacday qaar kamid ah dhaqaal-yahannadii iyo xikmad-yahannadii reer
Yurub waxay ku fekereen sidii mushkiladdan looga gudbi lahaa. Arintaasi waxay
muujisey, nadaamka hanti-goosiga ee xorta ah in uusan keligiis ku filleyn xalka
mushkiladaha dhaqaale ee dunida. Sidaa darteed, dowladihii ayaa looga
maarmi-waayay in ay soo fara-geliyaan jahaynta nadaamkii dhaqaale ee xorta
ahaa. Aragtidaas ninka iska-lahaa wuxuu ahaa dhaqaal-yahan u dhashay dalka
Ingiriiska oo la yiraahdo John Keynes (1883 - 1946). Aragtidiisii isaga ayaa
loogu magac-daray oo waxaa la yiraahdaa (Keynesian Economic Model).
Sida
aanu soo xusney, marxalad kasta oo aadamigu uu la soo maray fikradihiisa
dhaqaale, waxay ku soo abyoodeen laba hannaan oo dunida buuxiyay. Caqiidada
labadaas hannaan ayaa waxay kala ahaayeen kuwii ku legdamayay dunida muddadii
ahayd qarnigii 20-aad. Iyagu waxay kala ahaayeen nadaamka dhaqaale ee
hanti-goosiga, kaas oo ay ku dhaqmayeen dowladaha reer galbeedka. Dowadahaasi
waxaa hormood u ahaa welina u ah Mareekan, Yurubta galbeed, Jabaan, Kanada iyo
Australia. Nadaamka labaad wuxuu ahaa hannaanka dhaqaale ee hanti-wadaagga.
Waxaa ku dhaqmayay dowladaha Midowga Soofyeeti, Shiinaha iyo Yurubta bari.
Dagaalkii qaboobaa wuxuu ahaa dagaal ay ku loolamayeen labada caqiido ee labada
nadaam. Dowladaha dunida intooda kale waxay la kala safnaayeen labadaas
fikradood.
Si
aanu u qiimeyno tayada uu leeyahay hannaanka dhaqaale ee islaamka, aynu
yara-eegno labada hannaan ee kale. Haddaanu ku hor-marno hannaanka dhaqaale ee
hanti-goosiga, waa hannaan la curtay
kacaankii wershadaha ee Yurub. Kacaankan hortiis, waxaa jiray hannaan dhaqaale ee fiyudaal ah. Wuxuu ahaa hannaan
si toos ah dadka loogu cabiidsado. Daah-furkii kacaankii warshadaha ee Yurub ka
curtey rubucii u dambeeyay ee qarnigii 18-aad waxay ahayd astaanta dhabta ah ee
bilowga nadaamka raasu-maaliga ah. Waxay ahayd marxalad ay soo if-baxday koboca
wershadaha iyo ubaxayntii aqoonta farsamada. Markaas, raggii wershadaha
samaystay (raasu-maaliyiinta) waxay noqdeen awood raad ku yeesha noloshii
dhaqaalaha ee Yurub. Iyagu waxay gacanta ku dhigeen wax soo-saarkii adduunka
iyo ganacsigii caalamku is-dhaafsanayay. Waxay markaas noqdeen, dhaqaale ahaan
iyo dhaqan ahaan kuwo ka horeeya ummadihii ku noolaa qaaradihii kale.
Gaar
ahaan boqortooyada Ingiriiska oo lagu naaneysi-jiray boqortooyadii ayan
qorraxdu ka dhicin, dalkeedu wuxuu ahaa waddanka ugu hor-marsan Yurub. Taasi
waxay ka dhalatay ka faa’iidaysiga kheyraadka ay ka heshey dalalkii ay gumaysan
jirtay, gaar ahaan jasiirad u-egta Hindiya. Halkaas oo hannaanka raasu-maaliga
uu horseeday in la unko dhaqaale aad u badan oo wata dheeri siyaado ah,
isla-markaas keyd fara-badan laga dhigey. Arintaasi waxay hantiilayaashii u
saamaxdey, wax soo-saarkoodii ka sokow, in ay maal-gashiyo ku sameeyaan
wershadihii xoogeysanayay. Xaaladda caynkaas ah ayaa waxaa ka dhashay fahamka
dowladnimada xambaarsan siyaasadda fur-furan (Liberalism).
Dabadeed
waxaa halkaas ka curtay aragti nadaam dhaqaale oo cusub, kaas oo lagula
dirirayo aragtidii dhaqaale ee fiyudaalka ahayd. Curinta aragtidan cusub waxaa
isugu tegey xikmad-yahanno iyo dhaqaal-yahanno badan. Waxaa halkaas ka abuurmey
caqiido iyo aragtiyo kala duwan oo la xiriira siyaasad, dhaqan, aqoon
bulshadeed iyo aqoon dhaqaale. Arintaasi waxay hor-seedey kacdoomadii
lagaga soo horjeeday nidaamkii boqorrada
ee feudalka ahaa oo Yurub ka dhisnaa.
Fikraddan cusub waxay hantiilayaashii siisey awood ay kaga adkaadaan
nadaamkii siyaasadeed ee dowladihii ka dhisnaa Yurub.
Hannaanka
dhaqaale ee aragtidan waxaa u saldhig ah oggolaansho lahaanshaha gaar-ahaaneed,
taas oo qofka uu si madax-bannaan uga qayb-qaadanayo howlaha ah wax soo-saarka,
qaybinta, adeegsiga iyo is dhaafsashada hantida. Qaybsiga shaqada iyo seyladda
xorta ah ayaa wuxuu saamaxayaa dhaqdhaqaaqa dhaqaale oo faa’iidadiisa ay ku
dhamaaneyso shakhsiga raasu-maalka leh. Si taas loo gaaro, waxay ku tiirsan
tahay habka bixinta iyo dalabka (Supply and Demand) si loo go’aamiyo qiimaha ka
dibna faa’iidada. Sidaas ayuu hanti-goosigu wuxuu ku noqdey hab-dhaqaale, taas
oo leh falsafad bulshadeed iyo mid siyaasadeed ay fikraddeedu ku
asteynsan-tahay. Iyada oo isla-markaas xoojinaysa fikradda xorriyadda
dhaqaalaha iyo habka suuqa xorta ah ee lagu go'aaminayo qiimaha iyo faa'iidada.
Aragtidan waxaa waalid u ah dhaqaal-yahan u dhashay dalka Ingiriiska
(Scottland) oo la yiraahdo Adam Smith (1723 - 1790).
Casharkii 5-aad
Hannaanka
labaad ee dhaqaalaha casriga ah waa nadaamka ee ku dhisan aragtida
hanti-wadaagga. Aragtidan waxay ka curatay aafooyinkii bulsho ee ka dhashay
nadaamka raasu-maaliga ah. Natiijooyinkii ka dhashay hannaanka hanti-goosiga
ayaa waxay kallifeen in mufakiriintii iyo aqoon-yahannadii Yurub ay
baadi-goobaan hannaan ay ku badbaadiyaan nadaamka dhaqaasle ee waddamadooda.
Fara-gelintii ay dowladdu ku samaysay nadaamka dhaqaale ayaa wuxuu kallifey in
la baadi-goobo nadaam aanan hanti-goosiga ahayn, kaas oo wax soo-saarkiisa inta
badan ay ku tiirsan lahaanshaha guud.
Aragtidan
hanti-wadaagga dhaqaalaha waxay leedahay noocyo kala duwan. Mararka qaar waxay
ku eg-tahay keliya in dowladdu ay awood u leedahay in ay fara-gelin ku samayso
nadaamka dhaqaale, sidaasna uu nadaamkii
ku noqdo mid aanan hanti-goosi ahayn. Marna wuxuu noqdaa nadaan faraha
la gala nolosha shaqaalaha iyo dan-yarta si uu u dejiyo xeerar khuseeya
dhaqaalahooda iyo arimahooda bulshadeed. Laakiin guud ahaan hant-wadaaggu waa
hannaan dowladda siinaya milkiyadda dhaqaale ee degaanka (dhulkii, wershadihii,
agabkii lagu shaweynayay iyo gebi ahaan wax soo-saarkii).
Aragtidan
ku dhisan mabaadiida hanti-wadaagga dhaqaalaha, Laba dugsi ayaa ugu wayn. Mid
wuxuu yahay hantiwadaagga khayaaliga ah (Utopean Socialism), midka kale waa
hanti-wadaagga Maarkisiga (Marxsit Socialism). Hannaanka hanti-wadaagga khayaalka
ah waa aragti suuragalkeedu ay adag tahay. Waxay ku baaqeysaa dhismo bulsho
aadamigu uu maqsuud ku yahay. Bulsho dhaqaalaheedu uu ku dhisan yahay
lahaanshaha wadajirka ah iyo qaybinta siman ee agabka nolosha, shaqaduna ay
tahay wax uu qofku is-khasbayo. Qofka shaqaalaha ah, natiijada shaqadiisa wuxuu
ka qaadanayaa inta noloshiisa deeqda. Wixii dheeri ah bulshada ayuu uga
tegayaa. Dhaqaal-yahanno iyo aqoon-yaanno badan ayaa u joogsadey in ay u u
doodaan aragtidan. Xataa waxaa u jirey rag maal-qabeeno ahaa. Waxaa kamid ahaa
Wilhelm Waitling (1808 - 1871) oo u dhashay Jarmal, Robert Owen (1771 - 1858)
oo u dhashay Ingiriis, Etienne Cabet (1788 - 1856) oo u dhashay Fransiis.
Raggan
iyo kuwa la aragtida ah waxay si xooggan u naqdiyeen hannaanka hanti-goosiga.
Lahaanshaha gaar-ahaaneed ayaa waxay ku sheegeen in uu nolosha bulshada ku
yahay mixnad aanan la hor joogsan karin. Waxay ku sheegeen in ay dhiig-miirad
yihiin oo ay ka danaysanayaan bulshada inteeda badan oo dan-yarta ah,
isla-markaas ay hor-taagan yihiin nolosha sinnaanta iyo cadaaladda ku salaysan.
Nolol ay dadku walaaloobayaan, wada-shaqysanayaan, isna jeclaanayaan.
Nimanka
u doodayay hanti-wadaagga noocan ah waxay noqdeen kuwo xag-jir ku noqdey
aragtidoodii, markii ay arkeen sida xad-dhaafka ah ee aadaminimada ka baxsan oo
ragga hantiilayaasha ah ay uga faa’iideysanayaan bulshada dhibban. Markaas ayay
qaateen aragtidan xag-jirka ah xag-jirka ah oo ay ku tilmaamayaan in
aragtidooda lagu dhisi karo bulsho ku noolaata nolol ay ku sifeeyeen in ay
lamid tahay midda uu quraanku inoogu sifeeyey jannada eebbe. Nolol uu qofku si
dhamaystiran raali uga noqonayo, wax-walba oo uu jantona uu ka helayo.
Nimanka
xoojinayay fikraddan xooggoodu waxay ahaayeen kuwo u dhashay Fransa oo uu raad
ku yeeshey kacdoonkii Fransiiska. In-kasta oo xilligaas ay bilaabatay qul-qulka
aragtida kacdoonka hanti-wadaagga ee heerka koowaad, misana xilligaas hore
waxay ku guuldaraysteen jaan-gooyada waddadii loo mari lahaa hirgelinta
aragtidan. Si haddaba ay aragtidu uga gudubto marxaladdii ay ku wadeen, raggii
kacaan-yahannada ahaa waxay ku ekeeyeen dhaqdhaqaaqoodii soo bandhigid baaqyo
isbeddel-doon ah iyada oo loo marayo hor u-marinta cilmiga iyo aqoonta, iyo
faafinta anshaxa. Arimahaas ayay u tixgeliyeen dhismooyaasha sare ee saldhigga u ah geeddi-socodka
aragtidooda. In-kasta oo aragtida raggan
ay ahayd mid khasbeysey in hannaanka siyaasadeed la beddelo si loogu guuleysto
in hannaanka dhaqaale la beddelo, misana iyagu waxay ka fogaadeen in ay qaab
kacdoon ah wax ku beddelaan. Waxay doorteen, culaabta iyo caqabadaha ay kala
kulmayaan halganka isbeddelka ay doonayaan, in ay u kaashadaan in hayaanka
waayuhu uu la riixo. Si markaas loo helo nadaamka jira ee dulmiga ku dhisan mid
uga haboon nolosha dan-yarta bulshadooda.
Qaar
kamid ah ragga aragtidan qaatay waxay khilaafeen waddadii qunyar-socodka ahayd
ee kuwa u ololeynayay hanti-wadaagga ay isbeddelka ku doonayeen. Iyagu waxay
doorteen in ay qaab kacdoon ah ay ku beddelaan hannaanka hanti-goosi ee ka
dhisan dunida. Waxaa raggan kamid ahaa Friedrich Angels (1820 - 1895) oo u
dhashay dalka Jarmalka. Wuxuu ahaa xikmad-yahan, taariikh-yahan, dhaqaal-yahan,
kacaan-yahan, siyaasi, qoraa iyo maal-qabeen. Ninka bixiyey magaca
hanti-wadaagga khayaaliga ah waa isaga. Wuxuu ku baaqay, kacaanka hanti-wadaagga
ah in uusan ahayan mid ay waayuhu keenaan. Bal uu yahay is-beddel kacdoon ah oo
ay dhaliyaan dabaqadda shaqaalaha ee dan-yarta ah ee ku dhibban nadaamkan.
Casharkii 6-aad
Friedrich
Angels, isaga oo wiil yar ah ayaa waalidkiis ay ula qaxeen Ingiriiska. Markuu
weynaadey, dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed wuxuu ka bilaabay in uu naqdiyo
siyaasadda dhaqaale ee hantiilayaasha burjuwaasiyiinta ah. Wuxuu kaloo si adag
u naqdiyi jirey kooxaha rumeysan nadaamka dhaqaale ee hanti-wadaagga ah, kuwaas
oo diiddan in ay is-beddelka xoog ku keenaan. Sanadkii 1844-kii, waxay
magaalada Paris isku barteen nin isna asalkiisu yahay Jarmal oo la yiraahdo
Karl Marx (1818 - 1883), kaas oo ay si wada-jir ah u dhiseen jamciyadda
shuuciyiinta (Communist League). Jamciyaddan oo ay isku bahaysteen qolyihiin
kooxo xag-jir ah, waxaa lagu asaasey magaalada London sanadkii 1847-kii. Iyagu
waxay dhaqdhaqaaq ka wadeen magaalooyinka waawayn ee Yurubta galbeed. Halkaas
ayay lagaga dhawaaqay halheyskii
caan-baxay ee ahaa shaqaalaha adduunkow midooba! (Workers of the World,
Unite!).
Waxaa
xigay sanadkii 1848-kii in uu soo baxay qoraalkii lagu magacaabay bayaankii
shuuciyadda (The Communist Manifesto). Bayaanku wuxuu ahaa buug yar oo
siyaasadeed oo ay si wada-jir ah u soo saareen labada filosoof ee kala ah Karl
Marx iyo Friedrich Engels. Iyaga waxaa markaas wakiishay ururkii isbahaysiga
shuuciga. Buuga waxaa asalkiisii lagu daabacay magaalada London 1848-kii.
Bayaankan wuxuu noqdey mid ka-mid ah dukumeentiyada siyaasadeed ee ugu saameynta
badan adduunka. Bayaanku wuxuu soo koobayaa aragtiyaha labada filosoof (Marx
iyo Engels), taas oo ay kaga hadlayaan fikrado khuseeya dabeecadda bulshada iyo
siyaasadda. Waxay buugga ku sheegayaan in taariikhda bulshooyinka dhammaanteed
ay tahay mid salka ku haysa halgan dabaqadeed. Iyagu waxay si kooban u soo
bandhigayaan fikradahooda ku aaddan sida bulshadii hanti-goosiga ahayd ee
waagaas jirtay loogu xawili karo bulsho hanti-wadaag ah.
Waxaa
kale oo qoraalka lagu soo bandhigay hab lagu lafa-gurayo waddadii lagu mideyn
lahaa halgamada dan-yarta dunida ay kaga xoroobayaan dulmiga ay maal-qabeennada
ku hayaan. Baaragaraafka ugu dambeeya ee Manifesto, labada nin waxay ku
muujinayaan baaq ku wajahan dan-yarta oo ay ugu sheegayaan in maal-qabeennada
lala dagaalamo oo si xoog ah loo beddelo dowladaha dhisan oo ay gacanta ka
helayaan. Qodobo ay ku xuseen gaba-gabada buugga waxaa kamid ahaa, in la
baabi’iyo milkiyad walba oo dhul lagu sheeganayo. Dhulkuna gebi-ahaan in uu
noqdo mid loo kireeyo u-adeegidda danta caamka ah. Bayaankan ayaa wuxuu
ahaa baaq dunida dacalladeeda ka curiyay
kacdoomo ku shixnadan fikradahaas shuuciyadda axg-jirka ah.
Sanadkii
1867-kii, Karl Marx oo ahaa ninka lagu
naaneysey magaca fikradda shuuciyadda (Marxism) wuxuu qorey buugga tix-raaca u
ah nadaamka dhaqaale ee hanti-wadaagga. Buuggaas oo laba qayb ah, waxaa
goor-danbe isu geeyey oo hal buug ka dhigey Friedrich Angels. Buuggu wuxuu
xambaarsan yahay falsafad, taariikh, hannaan dhaqaale iyo hannaan siyaasadeed.
Isagu wuxuu si adag ugu mucaaraday
dhamaan aragtiyada hanti-goosiga, kuwaas oo seyladaha ku haysta awood aanan
lagula tartami karin. Seyladaha oo ahaa fagaaraha uu ka dhacayo tartanka
dhaqaale, ayaa nimanka raasumaaliyiinta ah ee ka lacagaysta kacaankii
wershadaha, waxay noqdeen kuwo hanti badan sameeyey. Taasi waxay dhalisey
hantiilihii in uu noqdo taajir ay lacagtiisa isia-sii dhasho. Danyartiina in ay
saboolnimo u kororto, iyaga oo meel ay wax qabtaan la’.
Waxa
ugu wayn oo Karl Marx iyo saaxiibkiis ay ka digayeen waxay ahayd in dad gaar ah
uu dhaqaalahii gacanta u galo, iyada oo bulshada inteeda badan ay ku dhibban
tahay nolosha. Gaar ahaan shaqaalaha oo ah xooggii wax soo saarayay. Sidaas
ayaa nadaamka hanti-wadaagga ah wuxuu inta badan ku salaysan yahay aragtida
dhaqaale ee shuuciyadda, taas oo ah lahaanshaha dawladnimo ee dhanka wax
soo-saarka, halkii ay ka ahaan lahayd lahaanshaha gaarka ah. Waxaana loo qaatay
in wax-soo-saarku ku yimaado baahida iyo rabitaanka bulshada, sidaa darteedna ay dawladdu kormeerto lahaanshaha
gaarka ah ee wax-soo-saarka. Isla-markaas ay u go'aamiso badeecadaha hadba
baahida suuqa ka jirta, si waafaqsan rabitaanka bulshada.
Nidaamka
dhaqaale ee hanti-wadaaga waxa lagu gartaa maqnaanshaha lahaanshaha gaarka ah
iyo lahaanshaha guud oo la maamulo. Lahaanshahaas waxaa iska leh qof kasta,
laakiin dowladda ayaa ah tan maamulaysa. Sidaa darteed dowladdu waxay kormeer
joogto ah ku heeneysaa hannaanka qaybinta shaqsiyaadka aan awoodda u lahayn wax
soo saarka, kheyraadka iyo raasumaalka. Maadaama dowladdu ay xaq u yeelatay
lahaanshaha wax-walba, iyada ayaa waxay tahay cidda looga danbeeyo magacaabidda
waaxyaha iyo hay’adaha ay khuseyso go’aannada wax soo saarka. Xakamayntan
dawladeed waxaa ay ka muuqataa heerka sicirka, iyada oo ay dawladdu go’aaminayso
qiimaha badeecadaha seyladaha yaal. Awoodda dowladdu waxay markaas noqoneysaa
midda xukunta seyladaha, taas oo laga yaabo in ay hoos u dhigto badi
badeecooyinka si ay u noqdaan kuwo la wada heli karo, ama in badeecaddii
qaarkood ay kor u qaado qiimaha si loo xaddido isticmaalka bulshada.
Casharkii 7-aad
Haddaanu
faham guud ka soo aragnay sal-dhigyada labada hannaan-dhaqaale ee kala ah
hanti-goosiga iyo hanti-wadaagga, haddana waxaanu yara-eegeynaa hannaanka
dhaqaale ee islaamka. Sida ay aayadda quraanka ah qeexdey, kitaabka quraanka ah
loogama tegin mushkilad bulshadeed oo uusan xluusheeda tilmaamo guud oo haboon
ka bixin. Sida ay ku soo aroortay qayb kamid ah aayadda 38-aad ee suuradda
Al-Ancaam waxay oranaysaa sidan:
“ ۚ مَّا فَرَّطْنَا فِي
الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ ”
Ereyga
ah shey ( شَيْء) ee aayadda
lagu xusey waxaa loola jeedaa wax-walba oo uunka ka jira ee nolosha maaddiga
iyo macnawiga ah. Haddaan si-kale u dhigno, labadan xaraf ee ah shiinka iyo
ya’da, aayaddu waxay ku soo koobtay tilmaan lagu sheegayo wax-walba oo jira ee
aanan eebbe ka ahayn. Aayaddu waxay halkaas inoogu sheegeysaa sida aqoonta
faxan ee kitaabka quraanka ah uu xambaarsan yahay. Weliba isaga oo ah kitaab uu
ka kooban yahay 323671 oo ereyo af-carabi ah, misana xambaarsan aqoon mug wayn.
Sida mowduucayagu yahay, waxaanu soo xulanaynaa qayb kamid ah aayadahaas
ereyada kooban ah oo la raacshay qayb kamid ah ereyo ah axaadiistii laga soo
wariyey suubanihii Maxamed ahaa (sh.n.d.a.), waxay buuxiyeen dhismaha hannaan
dhaqaale.
Aayadahaas
iyo axaadiistaas la dhigey muddo laga joogo ku dhowaad 15 qarni, waxay
inagu-hagayaan ka qurux badan, ka cadaalad badan, ugana faa’iido badan
aadamiga. Haddaanu ku hormarno in aanu laba tilmaan ka bixinno labada hannaan
ee aanu ka soo sheekeyney, hannaanka hanti-goosiga ee maanta ka shaqeeya dunida
wuxuu waxaa la curiyey dagaalkii II-aad ee dunida. Xeerarkiisa waxaa lagu
dejiyey degmada Bretton woods (New Hampshire - USA) sanadkii 1944-kii. Waxay
ahayd xilli ay sanad ka dhiman tahay gaba-gabada dagaal-waynihii II-aad ee
dunida. Halkaas ayaa lagu jaan-gooyey heshiiskii la magac-baxay Bretton-Woods
System, kaas oo saldhig u noqdey hannaanka hanti-goosiga oo ay curadka ka
noqdeen labada hay’adood oo caalamiga ah ee kala ah bank-iga adduunka (World
Bank) iyo hey’adda lacagta adduunka IMF (International Monetary Fund).
Nadaamka
hanti-wadaagga ayaa isna wuxuu curtey dagaal-waynihii I-aad gudihiisa. Waxay
ahayd markii xisbigii belshifigga uu kacdoon kagala wareegey hoggaankii
dowladnimo oo ay ka talinayeen caa’iladdi qaysarrada ee Ruushka. Kacdoonkaas oo
curtay bishii oktober sanadkii 1917-kii ayaa wuxuu ku magac dheer-yahay
(Oktober Revolution). Waxaa markaas dhismey dowlad la magac-baxday Midowga
Soofyeeti, taas oo u joogsatay in ay hir-geliso fikradihii dowladnimo oo ay ka
tageen labadii nin ee saaxiibada ahaa (Karl Marx iyo Friedrich Engelse).
Fikradahaas waxay isugu jireen:
1) Hannaan
siyaasadeed oo lagu hoggminayo hab-dhaqan keli-talis
2) Hannaan dhaqaale
oo lagu hoggaaminayo seylado aanan xor ahay
3). Hannaan dhaqan oo
lagu hoggaaminayo caqiido diin-la'aan ah.
Mid
walba oo kamid ah labadaas hannaan wuxuu noolaa muddo 70 sano ku dhow.
Hannaanka raasumaaliga ee casriga, sida aanu soo xusnay waxaa loo caga dhigay
sanadkii 1944-kii. Wuxuu bur-buray sanadkii 2008-dii. Sanadkan uu bur-burka
haleelayo waxaa caalamka ka dhacay Diiqaddii wayneed (The Great Recession),
taas oo raadka bur-burkeeda dhaqaale ay ahayd mid gaartay caalamka dacalladiisa.
Dalka Mareekanka oo ahaa ubucdii uu bur-burku ka soo bilawday, ayaa rubucii
saddexaad ee sanadkii 2008-dee ayay musiibadu ku habsatay. Dhibaatadii uu watay
fadhiidka dhaqaale wuxuu ku hor-maray shirkadihii dhismayaasha, waxaa xigey
shirkadihii caymiska iyo bangiyadii, waxaa xigay shirkadihii baabuurta ee
Mareekanka. Dowladda Mareekanka goor danbe ayay isku deydey in ay wax ka qabato
dhibaatada, markaas oo 3/ 10- 2008-dii bilyan ay banki-iyada waawayn ee dalka
ay u shubtay lacahg gaaraysa 700 oo bilyan oo dollar. Arintaasi waxba sooma
ayan kordhin oo waxay ahayd xilli uu cudurkii u gudbay qaaradda Yurub iyo
Kanada.
2/
10- 2008-dii, dowladda Ingiriiska ayaa xigtay oo ku dhawaaqday in dhaqaaleheeda
uu fadhiid noqdey. Waxaa ku xigay Jarmalka oo isna 13/ 11- 2008-dii ku baaqay
cudurka soo gaaray dhaqaalaheeda. Maantaas ay dowladda Jarmalka ku dhawaaqdey
diiqadda dhaqaale, maalintii xigtay ayaa mar-qura dowladihii ku bahoobay
cumladda Euro-da ayaa iyaguna ay ku baaqeen dhibaatada dhaqaale oo soo
food-saartay waddamadooda.
17/
11- 2008-dii, xanuunkii dhaqaale wuxuu u gudbay qaaradda Aasiya oo Jabaan ayaa
iyaduna dhawaaqday. Waxay ahayd xilli uu dhaqaalihii Shiinaha ka hakadey
xawaarihii uu ku socdey kobociisa. 12/ 12- 2008-dii Ruushka iyo Talyaaniga ayaa iyaguna maalin dhexdeed
ku dhawaaqay in dhaqaalahoodii uu curyaamay.
Waxaa
xigay waddamada wax wershadaha leh ee qaaradaha Aasiya iyo Laatiin Ameerika.
Dowladaha bariga dhexe oo soo saara rubuc shidaalka adduunka lagaga adeegto,
bilowgii hore dhaqaalahooda wuxuu u muuqday mid ka badbaaday fadhiidka. Laakiin
goor danbe oo sicirkii shidaalka uu hoos u dhacay ayay iyaguna la kofeen
cudurkii.
Casharkii 9-aad
Cabdil-Malik
ibnu Marwaan wuxuu ahaa khaliifkii shanaad ee dowladdii qoyska Amawiga.
Xilligeedii, hannaanka dhaqaale ee islaamku wuxuu marayay heerkii ugu sareeyey.
Waxay ahayd xilli ay markii ugu horeysey la hirgeliyey siyaasadda cumladda.
Dowladdu waxay markaassamaysatay lacag wax lagu kala iibsado. Cumladdan ayaa
waxay noqotay midda qura oo ka shaqaysa dhamaan gobollada ay dowladdu ka
talineysey. Halka hannaanka dhaqaale ee islaamka uu yahay mid laga dhaxlay
quraanka iyo axaadiista nabawiga ah, labadan hannaan ee aanu soo xusney dejinta
xeerarkooda rag badan ayaa isugu tegey oo si hagar-la’aan ah uga shaqeeyey
dejinta dejinta xeerarkooda iyo hagaajinta dhaqan-gelintooda. Raggaasi oo aanan
isku xilli ahayn, isku qowmiyadna ahayn waxay isugu jireen dhaqaal-yahanno,
xigmad-yahanno, maal-qabeenno iyo xataa siyaasiyiin iyo mufakiriin. Iyada oo ay
taasi jirto ayay cimri toddobaatan sano ah ku fashilmeen in ay aadamiga u
horseedaan dhaqaale laga dhaxlo baraare iyo barwaaqo-sooran. Hir-gelintoodiina
dad badan ayaa lagu dulmey.
Waxaa
arinkaas dhinac yaal, hannaanka dhaqaale ee islaamka waa aqoon laga dhaxlay
dhambaalka ilaahiga ah ee uu aadanaha u soo gudbiyay suubanihii Maxamed ahaa
(sh.n.d.a.). Laga-bilaabo maantii uu
baxsadka ahaa ee uu ka qaxayay reer tolkiis oo kula dirirayay nadaamkan uu ula
yimid, dabadeedna magaaladii uu u qaxay uu dadkii raacsanaa u abuurey seylad u
gaar ah oo ay ka adeegtaan. Muddo 70 sano ah dabadeed, wax-tarka iyo wanaagga
uu hannaankan la yimid wuxuu ahaa mid kobcinayay dhaqaalaha bulshada. Waxaa
intaas dheer, markii hannaankii uu gaaray heer dalcadda dusheeda ah wuxuu
halkaas ku sugnaa muddo 1000 sano ka badan oo uusan marna ku iman diiqad
dhaqaale, isaga oo muddadaas aadamiga ugu adeegayay sida ugu haboon uguna
wanaagsan. Intaas aqoonsi waa ugu filan tahay in islaamku yahay caqiido dhan walba ka
hagaagsan. Haddaba waxaa mudan in wax laga ogaado farqiga u dhexeeya labadan nadaam iyo
hannaanka dhaqaale ee islaamka. Arintaasi waxaa lagu soo koobi karaa saddex
qodob oo kala ah:
1)
Ujeeddada Dhaqaale-abuurka: Nidaamka dhaqaale ee islaamka, si guud iyo si gaar
ah, ujeeddadiisu waa in la qanciyo baahida qofka. Isla-markaas in la helo nolol
hufan si dadku ugu noolaadaan nolol raaxo leh, laguna xoojiyo hor u-marka
bulshada iyo deegaanka ay ku nool yihiin. Taasina waxaa lagu heli karaa in
noloshu ay qanciso shuruudaha maaddiga iyo ruuxiga ee aadanaha. Marka la eego
ujeedooyinka nidaamyada hanti-wadaagga iyo hanti-goosiga, waxay yihiin kuwo
xoogga saara dhanka maaddiga oo keliya, laakiin ka maran dhinaca ruuxiga ah.
“ قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ
اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ
وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ
قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا
فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا
خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ
كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ
يَعْلَمُونَ ” Suuradda
Al-Acraaf, aayadda 32-aad
2)
Manhajka loo Marayo Dhaqaale-abuurka: Nidaamka dhaqaale ee islaamka waa mid ku
dhisan anshax suuban iyo mabaadi hufan. Sal-dhigiisu waa xalaal-quudad, waxaana
ka mid ah daacadnimo, isku-tiirsanaan, kalgacal iyo walaaltinimo u dhexeysa
aadamiga wada shaqeeya. Iyada oo weliba la aaminsan yahay in shaqadu tahay
cibaado. Halka nidaamka hanti-wadaagga iyo hanti-goosiga ay kala soocaan diinta
iyo habka nolosha, dadkoodana waxaa ka dhexeeya loolan xaasidnimo ah. Mararka
qaarkood waxay ku dhaqmaan mabaadi munaafaqnimo ee ah (Machiavellism), kaas oo
tilmaamaya habka aad nolosha u raacayso in qiilkeeda midka xakameynaya uu
mar-walba yahay dhammaadka ujeedkaaga (The Ends Justifies the Means). Taasi oo
macnaheedu tahay si qofku ujeedkiisa u gaaro in ay u xalaal tahay waddo-walba
oo uu u marayo. Waxaa hubaal ah dhaqaalaha caynkaas ku dhisan in uu yahay mid
aanan isku dheelli-tirnayn, isla-markaas lagu dulminayo aadami kale. Mabaadiida
Islaamkana waa ay ka soo hor-jeeddaa nadaamka caynkaas ah.
“ وَأَنَّ هَٰذَا صِرَاطِي
مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا
تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ
عَن سَبِيلِهِ ۚ
ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ
تَتَّقُونَ ”
Suuradda Al-Ancaam, aayadda 153
3)
Dejinta Xeerka Dhaqaalaha: Nidaamka dhaqaale ee Islaamku waxaa lagu maamulaa
mabaadi laga soo dhambalay shareecada islaamka, taas oo leh ilo kala duwan oo
waxay yihiin kitaabka qur’aanka, sunnada nebiga, fahamka fuqahada ee la aamini
karo, waaqaca nolosha iyo waxa ay bulshadu isku raacdo. Labada nidaam ee kale,
waxaa u marjic ah xikmad-yahanno la nool waaqic kooban, kuwaas oo xeerka ay
dejinayaan laga yaabo in ay ku saxan-yihiin ama ay ku khaldan yihiin. Xeerarka
caynkaas ah mixnaddoodu waxay ka muuqdaan dowladaha is-beddelaya oo uu la
beddelmayo siyaasaddooda dhaqaale. Taas oo sabab u noqota xasillooni-darrida ku
timaadda bulshadooda.
” أَفَحُكۡمَ
ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ يَبۡغُونَۚ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ
ٱللَّهِ حُكۡمٗا لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ ”
suuradda Al-Maa’ida, aayadda 50-aad
Casharkii 10-aad
Il-baxnimada
Islaamku waxay miradhashay qarnigii labaad ee hijriyada, taas oo ku beegan
qarnigii lixaad dhalashadii Ciise dabadeed. Muddo gaaban ayay hoggaanka u
qabatay aadamiga dunida ku nool, iyada oo u noqotay shuclad ay ku ifsadaan
nolosha. Geeddiga hor u-markeeda wuxuu socdey tan iyo bilowga baraaruggii reer
Yurub. Muddadaas qarniyada badan ah oo muslinku uu hor-moodka u ahaa
il-baxnimada dunida, ummadaha islaamka ah meel kasta oo ay ku noolaayeen, waxaa
hagayay aayadaha quraanka ee ku baaqaya in dhulka la camiro. Iyagu waxay si
xooggan u aamineen xilka ka ratibmaya in dhulka ay dhaxleen oo ay u camiraan
anshaxa nololeed ee lagaga tix-raacayo sunnaii suubanaha (sh.n.d.a.). Sidaas
ayay ugu tallaabadeen hor u-mar baaxad leh, iyaga oo dunida faafiyeen agabkii
cilmiga iyo wax-barashada, waraaqihiina waa ay faafiyeen, wax soo-saarkii waa
ay kordhiyeen.
Dhab
ahaan waxay xoojiyeen oo aanan cidna ku inkireyn in ay wax badan ku soo
kordhiyeen culuumtii kuwii ka horreeyay. Markaas ayay noqdeen kuwii ugu horreeyay
ee eberka (0) ku dara xisaabta, taas oo a’aantdeed ayan suurtagasheen aqoon ay
xisaab la socoto. Waxay hindiseen qaabab kala duwan ee xisaabeed iyo aqoonta ay
kamid tahay handasada, al-jebrada, trigonometriya, iyo kuwa kale. Hor u-markaas
aqooneed wuxuu gacan ka geystey barwaaqo-soorankii dhaqaale oo ay gaareen
bulshooyinkii muslinka ahaa.
Sidaas
darteed waxaa loo baahday in la helo aqoon fududeysa fasirka iyo fahamka
xeeraraka dhaqaale ee islaamka u dhaqanka ah. Culumadii ugu horeysey oo si
dul-mar ah wax uga qora aqoonta dhaqaalaha islaamka waxaa kamid ahaa Abii
Cubeyd Al-Qaasim bin Salaam Al-Harawi (774 - 838) ee qorey kitaab uu ku
magacaabay maaliyadda (Kitaab Al-Amwaal). Kitaabka la yiraahdo wax soo-saarka
(Al-Kharaaj) waxaa isna qorey Abuu Yuusuf Yacquub bin Ibraahiim Al-Ansaari (731
- 798). Kitaabka lagu magacaabo saldhigyada suuqa (Qawaacid Al-Suuq) waxaa
qorey Yaxya bin Cumar Al-Lamtuuni (1001 - 1055). Kitaabka lagu magacaabo soo
nooleynta culuumta diinta (Al-Ixyaa' Culuumu-Diin) waxaa qorey Abuu-Xaamid
Maxamed Al-Qasaali (1058 - 1111). Kitaabka la yiraahdo diiraddii boqorrada
(Siraaj Al-Muluuk) waxaa qorey Abuu-bakar Maxamed bin Waliid Al-Darduushi (1059 - 1121).
Qoraallada
culimadaasi waxay hor-dhac u ahaayeen faraca dhaqaalaha ee aqoonta diinta
islaamka. Taasina waxa ay tilmaamaysaa sida ay ilbaxnimada Islaamku ugu
hor-martay mabaadiida dhaqaale. Abu-Zeyd Waliyu-Diin Ibnu Khalduun (1332 -
1406) oo lagu naaneyso aabaha aqoonta bulsho-baradka, ayaa isna xilligaas hore
si fogaan arag ah wax uga qorey aqoonta dhaqaalaha islaamka. Isagu buuggiisa
muqaddimada ayuu wuxuu ku sheegey sidan:
“
Ilbaxnimada iyo barwaaqa-soorankeeda iyo sidoo kale wanaagga ganacsigu waxaa ay
ku xiran yihiin wax soo-saarka iyo dadaalka bulshadu sameyso oo dhan-walba ah
iyaga oo taasi ay ku jirto dantooda iyo faa’iidadooda. Marka dadku aysan
ganacsi u sameynin si ay nolol u helaan iyo marka ay joojiyaan dhammaan
dhaqdhaqaaqyada nolosha ee faa'iidada leh, ganacsiga ilbaxnimada waxaa markaas
ku imanaya hoos u dhac, dabadeed wax walba waa ay burburayaan ”.
Marka
laga hadlayo dhaqaalaha, axkaamta shareecadda islaamka ee ku soo aroortay
qur’aanka iyo sunnada, culimo hore iyo kuwo danbe waxay isku raaceen qodob
muhim u ah fahamka dhaqaalaha. Wuxuu yahay in judha horeba dadka muslinka ah ay
fahmaan in dhaqaaluhu yahay kheyraadka dabiiciga. Hantida rasmiga ah oo eebbe ugu
tala-galay in aadamigu gebi ahaan uu ku noolaado waa hantida dabiicadda inoo
dhex-taal. Aayadaha quraanka waxaa ku badan kuwo arinkaas tilmaamaya. Waxaa
kamid ah aayadaha 32 – 34 ee suuradda Ibraahiim ee oranaya sidan:
” اللهُ الَّذِي خَلَقَ السَّماواتِ
وَالْأَرْضَ وَأَنْزَلَ مِنَ السَّماءِ ماءً
فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَراتِ
رِزْقاً لَكُمْ وَسَخَّرَ لَكُمُ
الْفُلْكَ لِتَجْرِيَ فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ
وَسَخَّرَ لَكُمُ الْأَنْهارَ . وَسَخَّرَ
لَكُمُ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ دائِبَيْنِ
وَسَخَّرَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهارَ
. وَآتاكُمْ مِنْ كُلِّ ما
سَأَلْتُمُوهُ وَإِنْ تَعُدُّوا نِعْمَتَ
اللهِ لا تُحْصُوها
إِنَّ الْإِنْسانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ ”
Aayadahan
iyo kuwa la macnaha ah waxay beeninayaan kuwa u ololeeya cabsi-gelinta kororka
tirada dadka ku nool dhulka oo sabab u noqoneysa arsaaqda oo dunida ciriiri ku
noqota. Kuwa u ololeynaya arintan guracan qaarkood ayaa ku sheekeeya in tiro
badan oo aadami ah ay ku haboon tahay in la laayo si tirada dadka loo dhimo.
Tirada basharka maanta ku dhaqan dunida guudkeeda waa siddeed bilyan oo qof.
Laba qarni horteed tiradaas waxay ahaayeen hal bilyan oo keliya. Sidaa darteed
waxay qabaan aragti xag-jir ah oo
oranaysa, dhulku wuxuu si wanaagsan u qaadi-karaa hal bilyan oo qof oo
qura, kuwaas oo si wanaagsan ugu noolaada. Aragtidaas waxaa lagu magacaabaa
aragtida bilyanka (qof) ee dahabiga ah
(The Theory of Golden Billion). Sidaa darteed ayay colaad u qaadeen aadamiga si
tirada loo yareeyo. Barnaamijka anshax xumida ah ee ayaamahan Soomaalida wareeriyay,
maahan mid ka maran mashruuca aragtidan. Waayo guurka dadka islu-jinsiga ah
dhallaan kama tarmo.
Fikraddaasi
waa mid ka hor-imanaysa ooraahda aayaddan waxyiga ee samaawiga ah, taas oo uu
nagula hadlay rabbiga uumey dhulka, cirarka hantida dhex-taal. Haddii ay meel
ka jirto mushkilad dhaqaale-xumi, sababtu maahan mid ka dhalnaysa saboolnimada
dabiicadda ama bakhaylnimadeeda. Bal uunka oo dhan ayaa u adeegaya aadamiga.
Gaajaduse waxay ka imanaysaa falaad xumida aadamiga iyo dulmiga ay qaarkood ku
hayaan qaarka kale, taas oo laynoogu sheegey gaba-gabada aayadda.
Casharkii 11-aad
Diinta
islaamka maadaama ay tahay dhambaalkii ugu danbeeyey ee eebbe xaggiisa ka
yimaada, waxay u taagan tahay in ay xalliso dhamaan mushkiladaha aadamiga ee
nolosha. Mushkiladahaas middeeda ugu milgaha adag waa dhaqaalaha. Mushkiladaha
dhaqaale ee aadamiga la soo dersa, marka la eego halka ay salka ku hayaan,
islaamku ma tixgalinayo aragtida oranaysa dhaqaale xumida waxaa ugu wacan
isu-dhiganta kororka tirada dadka iyo hoos u dhaca kheyraadka dabiiciga ah. Waa
sida ay qabaan dhaqaal-yahannada hanti-goosiga. Waxaa kale oo islaamku uusan
tixgelin u hayn aragtida leysaga hor-keenayo wax soo-saarka iyo qaybinta, taas
oo ah sida ay qabaan dhaqaal-yahannada Maarkisiyiinta ah. Bal islaamku wuxuu si
cad u bidhaaminayaa mushkiladda dhaqaale in ay tahay falaad xumida aadamiga.
Islaamku wuxuu meelo badan ka bidhaaminaya in hantida dabiicadda taal ay tahay
mid ku filan basharka. Bal ayadaha 71-aad, 72-aad iyo 73-aad ee suuradda
Yaasiin eega sida ay u hadlayaan.
” أَوَلَمْ
يَرَوْا أَنَّا خَلَقْنَا لَهُمْ
مِمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَا أَنْعَامًا
فَهُمْ لَهَا مَالِكُونَ * وَذَلَّلْنَاهَا
لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا
يَأْكُلُونَ * وَلَهُمْ فِيهَا مَنَافِعُ
وَمَشَارِبُ أَفَلَا يَشْكُرُونَ ”.
Si
hantidaas loo gaaro, islaamku wuxuu qodob muhim ah ka dhaigey shaqada, taas oo
ah wadiiqadda qura ee lagu xasilin-karo in gaajada la baabi’iyo. Islaamka
shaqada waxay uga dhigan tahay kasbashada xalaasha ah. Waa dadaal kasta oo aan
ka hor imanayn xeer-ilaaliyaha caqliga, ujeeddaduna ay tahay in lagu helo
faa’iido sharciyeed iyo mid anshaxeed. Dadaalkaasina wuxuu u qaybsamaa mid
jirka laga shaqeeyo sida shaqaynta beeraha iyo warshadaha, iyo mid caqliga laga
shaqeeyo sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Quraanka waa ay ku badan yihiin aayadaha inoo tilmaamaya, noloshan aanu ku
sugannahay xikmadda ka danbeysa in ay tahay in la hoggaansamo. Shaqada iyo
dhulka oo la camiro waxay kamid yihiin qodobada ugu culus ee hoggaansanka.
Aayadda 61-aad ee suuradda Huud waxay ina faraysaa in dhulka loo kaco
camiraadda dhulka.
” هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ
الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا فَاسْتَغْفِرُوهُ ثُمَّ
تُوبُوا إِلَيْهِ ”
Dadka
iyo dhulku waa is-leeyihiin oo sina uma kala maarmaann. Waa laynaga uumay oo asalkayagu
waa dhulka, waanu ku nool-nahay oo leyna dhaxalsiiyey, waa leynoo-sahlay oo
wuxuu ku qotomaa xeerar looga adeegto. Markaas ayuu ilaaha xaqa ah wuxuu inoo
tilmaamayaa inaan aqalka qurxisanno oo aanu ka shaqaysanno. Sidaa darteed,
islaamku wuxuu xoojiyay shaqada isaga oo qiimeeyey in shaqadu tahay meel risiq
xalal ah uu qofku uga helo naftiisa iyo qoyskiisa. Isla-markaas shaqadu waa
qaab uu qofku uga qayb qaadanayo hor u-marka bulshada.
Quraanka
meelo kala duwan ayuu ku xusayaa nebiyadii eebbe qudhoodu in ay ahaayeen ku
shaqaale ah oo ayan ku ekeyn gudbinta dhambaalladii diiniga ahaa oo ay
xmbaarsanaayeen. Iyagu waxay tusaale u yihiin shaqada iyo dadaalka nolosha si
loo xasiliyo maciishadda. Nebi Aadan wuxuu ahaa beeralay, nebi Idiris wuxuu
ahaa harqaanle, nebi Saalax wuxuu ahaa ganacsade, nebi Daa’uud wuxuu ahaa
tumaal biraha ka shaqeeya, nebi Nuux wuxuu ahaa alwaaxle doon dhisa, suubanihii
Maxamed ahaa (sh.n.d.a.) ayaa qudhiisu ari-jire ahaa.
Axaadiista
saxiixa ah waxaa kamid ah sheeko laynoo soo werinayo oo sheegeysa, maalin uu
suubanuhu (sh.n.d.a.) la lugeynayay qaar kamid ah saaxiibadiis. Waxaa u muuqdey
nin isna asxaabta kamid ah oo la yiraahdo Kacab ibnu Cujrah si xooggan u
shaqaynaya. Asxaabtii ayaa waxay la yaabeen dadaalka iyo firfircoonida uu ku
shaqaynayo. Markaas yay suubanihii (sh.n.d.a.) ku yiraahdeen: haddii uu eebbe
dartiis sidaas ugu shaqayn lahaa.
Suubane
Maxamed (sh.n.d.a.), isaga oo raggii la socdey u jawaabaya wuxuu yiri: ” Haddii
uu u socdo in uu u shaqeeyo caruurtiisa oo yar-yar, taasi waxay noqoneysaa
waddadii eebbe, haddii uu u soo baxay in uu u socdo waalidkiis oo waayeel ah,
taasi waxay noqoneysaa waddadii eebbe. Haddii uu u socdo in naftiisa uu ku
asturo, taasi waxay noqoneysaa waddadii eebbe. Haddiise uu u socdo is-muuji iyo
faan, taasi waa waddadii sheydaanka ”.
In
qofka uu shaqada ku masruufo naftiisa iyo qoyskiisa waxaa u dheer in ay ku
abuureyso kalsooni nafsadeed iyo dhiiranaan. Isla-markaas wuxuu noqonayaa xubin
bulshada kamid ah oo qayb ka ah hor u-markeeda. Waxaa jirta sheeko qaraami ah
oo caan-baxday, taas oo ka dhacdey suubanihii Maxamed ahaa (sh.n.d.a.). Nin
ayaa u yimid tuugsanaya. Wuxuu weydiiyey in ay jirto wax hanti ah oo guriga u
yaal. Ninkii ayaa sheegey laba agab oo kala ah dermo uu ku seexdo iyo ibriiq uu
biyaha ku shubto. Dabadeed suubanihii (sh.n.d.a.) ayaa ninkii faray in uu
labadaas agab u keeno. Markuu u keeney ayuu faray in uu suuqa geeyo oo iibiyo.
Dabadeed lacagta uu ka helo uu ku iibsado godin. Kadib uu dhirta duurka ku taal
uu qoryo ka soo guro oo uu suuqa geeyo si looga iibsado. Toddobaad ka bacdi
isu-kaaya keen ayuu ku yiri.
Toddobaad
ka-dib ayuu ninkii u yimid suubanihii (sh.n.d.a.). Markii uu weydiiyey
xaaladdiisa, wuxuu u sheegey in uu heysto saddex lacag ah (Dirham). Markaas
ayuu suubanihii (sh.n.d.a.) u sheegey ninkii in gacanta shaqaysata ay ka
wanaagsan tahay gacanta tuugtamaysa. Dhaqaal-yahannada islaamka waxay
tilmaamaan in arintaasi ay tahay kooras saboolnimada lagaga baxo, taas oo uu
nebigu (sh.n.d.a.) uga tegey aadamiga dhamaantood. Majiro qof sabool ah oo
caafimaad qaba oo aanan toddobaad uga bixi karin saboolnimo haysata. Albaabada
shaqaduna qof walba ayay u furan yihiin, marba haddii dhulka oogadiisa lagu
nool yahay, waayo kheyraadka faxan ee dhulka yaal wuxuu u baahan yahay oo keliya
in loo tabaabulyeysto. Marka dhaqaalaha qofka laga tago oo loo ban-baxo
dhaqaalaha ummadda, sidaas oo kale ayaa kuwa xilalka qaadey waxaa looga baahan
yahay qorshe cilmiyeysan oo ka duwan gacan-hoorsiga iyo kaalmada cillin
ma-korisada ah, si ay dhaqaale-xumida uga saaraan bulshada ay matalayaan.
Taasina islaamku waajib ayuu ka dhigay uu qofka masuulka ahi ama ku ciqaab
mudanayo ama ku abaal mudanayo.
Casharkii 12-aad
Guud
ahaan dhqaalaha gebi ahaantiisa waa wax dadku ay sameeyaan, isla-iyaga ayaa
cuna. Waxaanu soo sheegney, tilmaamaha uu dhaqaalaha islaamka la gaarka yahay
in uu kamid yahay fahamka ah in hantida uunka taal ay tahay mid uu eebbe
leeyahay. Dadkana uu yahay uunka keliya ee uu dhaxalsiiyay, taas oo muddo
kooban uu wakiil uga ahaanayo. Haddaba aadamiga waxaa laga doonayaa ilaalada
amaanadan. Waayo waa lagula xisaabtamayaa intii uu ka qaatay iyo qaabkii uu ugu
tasarufey. Sidaa darteed, doonista dhaqaalaha iyo adeegsigiisa waxay kamid
yihiin camalka wanaagsan oo haddii xeerka la waafajiyo lagu abaal mudanayo.
Aayadda
4-aad ee suuradda Al-Acraaf ayaa inoo tilmaamaysa macne kooban oo xiriirinaya
amaanada ah cimilada dhaqaale iyo ku xiriirsanaanta ku dul-noolaanshha dhulka.
Aayaddu iyada oo tilmaamaysa maciishad oo dhan in uu dhulku yahay waxay
leedahay sidan:
“ وَلَقَدْ
مَكَّنَّاكُمْ فِي الأَرْضِ وَجَعَلْنَا
لَكُمْ فِيهَا مَعَايِشَ ”
Saddex
saldhig ayuu leeyahay hannaanka dhaqaale ee islaamka. Lahaanshaha gaar
ahaaneed, lahaanshaha bulshadeed iyo lahaanshaha dowladeed. Hor u-marinta
dhaqaale xilkeeda waxaa qaadanaya dadka hantiilayaasha ah ee ama dhaqaalaha
haysta ama muruq-maalka ah ee shaqeeya amaba maskax-maalka ah ee hal-abuurka
leh. Lahaanshaha bulshadeed waa kheyraadkii dabiiciga ahaa, dhulka iyo hantida
uu xambaarsan yahay oo ay kamid yihiin biyaha iyo macdanta. Dowladdana
waajibkeeda wuxuu yahay maareynta guud. Nadaamkii maarkisiyadda ahaa islaamku
wuxuu ku khilaafay madax-bannaani la’aanti iyo la dagaalnka in qofku si gaar ah
wax u yeesho. Hanti-goosiguna wuxuu ku khilaafay ribixa kordhaya oo aanan
xuduudda lahayn. Sidaas ayaa quraanku wuxuu ku sheegey umadda islaamka ah in ay
mar-walba tahay ummad mawaaqifteedu ay tahay mid dhex-dhexaad ah. Aayadda 143-aad
ee suuradda Al-Baqara waxay leedahay sidan:
“ وكَذَلِكَ جَعَلْنَكُمْ أُمَّةً
وَسَطاً لِتَكُونُوا شُهَدَاءَ عَلَى النَّاسِ
وَيَكُونَ الرَّسُولُ عَلَيْكُمْ شَهِيداً “
Arinta
mucjisada ah oo aayaddan ay inoo ishaarayso ayaa waxay tahay in dadka islaamka
ah ay yihiin ummad dhan-walba dhex-dhexaad ka ah oo marna aanan mawaaqifta ku
noqoneyn xag-jir. Aaayaddu iyada oo dhex-dhexaad ka hadlaysa ayay haddana
suuradda bartankeeda dhacdaa. Suuradda Al-Baqara, waa suuradda quraanka ugu
dheer oo waxay ka kooban tahay 236 aayadood. Aayaddu waxay bartamaha kaga
dhacdaa suuradda. Markaad eegto tirsigeeda oo ah 143, waxaad ku dartaa tiro
aayado ah oo gaarsiisan 143. Wadartooda waa wadarta aayadaha suuradda oo ah
(143 + 143 = 268).
Sidaas
ayaa aragtida dhaqaale ee islaamku waxay u muujisey in ay meel dhex-dhexaad ah
ka taagan tahay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha. Kuwaas oo ka kooban
saddex qodob oo kala ah lahaanshaha, wax soo-saarka iyo qaybinta. Qodobka la xiriira lahaanshaha ee ah in
hantiilayaashu ay madax-bannaani buuxa u yeeshaan dhaqdhaqaaqooda
dhaqaale-abuurka ah, islaamku wuxuu la qabaa hanti-goosiga. Sababtu waxay
tahay, caburinta jaad walba oo ay tahay waxay curyaamisaa dadka hal-abuurka leh ee bulshada. Islaamku wuxuu
markaas fasaxay fidradda eebbe ku uumey dadka oo ah in loo tartamo nolosha
iyada oo qof walba uu taagtiis iyo kartidiis uu soconayo. Isla-markaas,
islaamku wuxuu madax-bannaanidii ku dabray anshax iyo Alle ka cabsi. Waxaa
halkaas ka dhalanaya amaanada hantida in ay noqoneyso mid ilaashan oo qofka
masuulka ah, ka-sokow damiirka sare ee qofka iimaanka leh uu ku shixnadan
yahay, waxaa u weheliya darajada uu ka gaarsiisan yahay muraaqabada eebbe.
Qodobka
wax soo-saarka ayaa isna islaamku uu dhiiri-geliyay iyada oo la gaarsiiyay in
shaqadu ay cibaado tahay. Diintu waxay xustey haddii bulshada ay u baahato
agab, tusaale-dhig qalin, oo la waayo cid qalin samaysa in bulshadaasi
dhamaanteed ay noqonayaan kuwo macsi ku dhacay. Arintaasi waxay markhaati ka
tahay heerka ay gaarsiisan tahay dhiiri-gelinta wax soo-saarka, weliba wax
soo-saar noocyo badan si adeegyada bulshada loo baahi-tiro. Qodobka saddexaad
oo ah qaybinta ayaa isna wuxuu yahay mid ku dhisan cadaalad. Waxaa arinkaas
laga fahmi karaa, qofka saboolka ah waxaa xil ka saaran yahay qofka eheladiisa
ah. Haddii uu wax u waayo, xilkii wuxuu fuulayaa qofka xigtada. Haddii uu wax u
waayo, xilkii wuxuu fuulayaa qofka hantiilaha ah ee duddada kula nool. Haddii la
waayo qof xilkii qaata, waxaa la siinayaa sakada. Haddii la waayo cid sako ku
bixisa, xilkii wuxuu fuulayaa beytul-maalka. Haddii la waayo beytul-maal
xilkaas guta, xilkii wuxuu fuulayaa dowladda degaanka ka dhisan.
Casharkii 14-aad
Suubanihii
Maxamed ahaa (sh.n.d.a.) kama uusan tegin dowlad bulshada u dhista dhaqaale iyo
siyaasad, mana ayan ahayn xilka ilaahiga ah ee saarnaa in uu dowlad dhiso. Bal
dhambaalka uu waday wuxuu ahaa in uu dhiso dadkii u-ehelka ahaa dowlad-dhiska.
Waayo, sida masaajidka uu ugu baahan yahay dadkii diinta laga baran lahaa in ay
dhex-fariistaan oo jaamicadaha ay mid walba ugu baahan tahay aqoon-yahannadii
xirfadaha tacliimeed laga baran lahaa, ayaa dowladduna waxay u baahan tahay dad
tarbiyaddeeda leh in ay caynaanka u hayaan. Isla-markaas xambaarsan anshaxii
dowladnimo. Sidaa darteed, ayaa suubaneheenii aanu jecleyn, isaga oo ku noolaa
degaan ay il-baxnimadu ka caagan tahay, weligiisna aanan maqal sheeko
dowladnimo, ayuu wuxuu dhisey bulsho loo diyaariyey raggii dowladda u dhisi-lahaa
iyo manhajkii siyaasadeed ee raciyadda lagu maamuli lahaa si loo helo hannaan
dhaqaale oo xasilloon.
Geeridii
suubanaha (sh.n.d.a.) dabadeed, bulshadii uu tababaray, iyaga oo ogsoon sida
bidcada loo fogeeyey, ayay misana shir-wayne siyaasadeed qabsadeen si ay u
dhistaan dowlad nolosha u xasilisa. In-kasta oo kulanka iyo natiijadiisii ayan
ahayn arimo uu ka dardaarmay nebigii waynaa, misana ma-uusan jirin nin qura oo
bidca ku nsheegey arintaasi. Waayo bulshadu waxay ahayd mid si dhab ah u fahamsan
tacaaliimta diiniga ah ee uu uga tegey nebigoodii ay jeclaayeen, gebigeed in ay
tahay masaalixda aadanaha. Sidaa darteed kulankoodii ugu horeeyey waxay ku
qabsadeen doorashadii ugu horeysey ee bulsho islaam ah ay taariikhda qabsato.
Madashu
waxay ahayd madal xalaal ah oo uusan laaluush ka shaqeeneyn. Waxay ahayd madal
aanan lagu hayn aragtida foosha xun ee 4,5. Waxay ahayd madal ayan talo ku lahayn beesha caalamka iyo kooxo
si gaar ah usoo tashaday. Madal xalaal ah oo ay fadhiyaan dad xalaal ah. Waa ay
muuqatay doorashada caynkaas ah in uu ku soo baxayo qof xalaal ah. Qofkaasi
wuxuu noqdey Abuubakar Al-Sidiiq, kaas oo ahaa ninkii ugu mudnaa. Waayo isagu
wuxuu ahaa ninka keliya ee si gaar ah ay aayad quraan ah u ishaartay in uu
yahay saaxiibkii nebiga (sh.n.d.a.). Aayadda 40-aad ee suuradda Al-Towba ayaa
arintaas xustey.
“ إِلَّا
تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ
إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ
اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي
الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ
لَا تَحْزَنْ إِنَّ
اللَّهَ مَعَنَا ۖ ”.
Hoggaankii
la doortey lagu ma soo dhoweyn ciidan iyo villooyin qurxoon. Loomana dhigin
xaflad caleema saara oo ay iugu timid marti bari iyo galbeed ka soo
ururey. Bal inta keligiis lugeeyey ayuu
masaajidka galay. Goortii xilligii salaadda la gaaray oo dad-waynihii isu soo
urureen, ayuu inta salaaddii tujiyay dabadeed hor-joogsaday. Halkaas ayuu
Abuubakar ka jeediyey khudbad hoggaamiye muslin ah uu bulshadiisa u jeediyo
middii ugu horeysey uguna qiimi badnayd. Isagu wuxuu ku muujiyay manhajka
siyaasadeed ee uu ku hoggaaminayo bulshadan dooratey. Khudbaddiisii oo ahayd
mid kooban waxay u dhacday sidan:
“ Dadyahow, hoggaankiinii
ayaa la ii dhiibey, aniga oo aanan ahayn kiina idiin kugu kheyrka badan. Haddii
aan wanaagsanaado i kaalmeeya haddiise aan xumaado i hor-joogsada. Runra waa
amaano beentuna waa khiyaano. Midkiina tabarta yar wuxuu agteyda kayahay mid
xoog wayn, inta aan u soo celinayo xaqiisa, midkiina xoogga wayn isna agteyda
ka yahay mid tabar yar eebbe idankiis. Ummad kama tagto jihaadka eebbe dartiis
ah, haddeyse dhacdo eebbe wuxuu badaa dullinimo. Xumaantuna kuma faafto ummad
in eebe uu ku caam yeelo ibtilooyin mooyee. I adeeca intaan ilaahay iyo
rasuulkiisa adeecayo. Haddaan ilaahay iyo rasuulkiisa caasiyo ma aha inaad i
adeecdaan “.
Hadalkaas
taariikhiga ah, Khaliifku wuxuu ku soo urushay qodobadii saldhigga u ahaa
falsafadda dowlad-wanaagga (Good Governance). Wuxuu tilmaamay in xilku uusan
qofku waxba ku kordhineyn oo masuulku uu yahay qof caadi ah. Wuxuu tilmaamay
sida ay tahay dowladnimada iyo madax-bannaanida maamulka. Wuxuu tilmaamay
xeerka iyo sareynta sharciga. Wuxuu tilmaamay xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyaha
iyo raciyaddiisa. Wuxuu tilmaamay awoodda dowladeed in ay tahay mid loogu
hiilinayo dadka kuwooda ugu taagta-daran. Wuxuu tilmaamay nadaamka
isla-xisaabtanka in uu yahay mid qabanaya masuul kasta ee xil haya. Wuxuu
tilmaamay in umadda laga doonayo in ay nolosha u gasho halgan adag oo bulshada lagu xoojinayo. Wuxuu
tilmaamay in eex iyo musuq-maasuq ay ka xaaraan tahay dowladdiis.a.
Abuubakar,
isaga oo aanan ahayn nebi samada looga waxyoodo, ayuu wuxuu muujiyay aragti uu
qof hoggaan ah qaato middii ugu sareysey uguna xalaalsanayd. Khudbaddaas
quruxda badan maahayn mid ku eg hadal uu dad-waynaha ku maaweelinayay, bal
ficil ayuu ku gutey. Bulshada dhexdeeda wuxuu ka diyaariyay cimilo siyaasadeed
ee lagu gardaadiyo falsafadda dowlad-wanaagga, taas oo ku taagan qodobada ah
daah-furnaan iyo isla-xisaabtan, shaqo iyo wax soo-saar, cadaalad iyo sinnaan,
sareynta sharciga, talo-wadaag iyo maslaxadda dan-yarta oo la hor-mariyo.
Cimiladaas siyaasadda wanasagsan waxay saamaxdey hannaankii dhaqaalaha islaamka
in uu helo fagaare uu ku kobco. Haddaba waxaad ogaataan falsafad walba ee
siyaasadeed in ay leedahay hannaankeeda dhaqaale. Siyaasadda fowdada ahna waxay
leedahay hannaan dhaqaale oo fowda ah. Aayadda 16-aad ee suuradda Al-Israa ayaa
arinkaas inoo qeexeysa:
“ وَإِذَا أَرَدْنَا أَنْ
نُهْلِكَ قَرْيَةً أَمَرْنَا مُتْرَفِيهَا
فَفَسَقُوا فِيهَا فَحَقَّ عَلَيْهَا
الْقَوْلُ فَدَمَّرْنَاهَا تَدْمِيرًا ”
Casharkii 15-aad
Islaamku
wuxuu leeyahay sifooyin xeerar guud oo muhiim ah, kuwaas oo loo dejiyay
hab-raacayo sharciyeed. Dabadeed xeerarkaas ayaa waxaa loo daayaa fuqahada
islaamka in ay ka soo dhambalaan xukunno faahfaahsan oo ku salaysan xaaladaha
goorta iyo goobta. Taasi waa sababta keentay in axkaamta islaamku ay noqdaan
kuwo la jaanqaada isbeddellada fac kasta iyo xaalad kasta oo ay ku sugan
yihiin. Sidaas ayay aragtida dhaqaale ee islaamku waxay u leedahay saldhigyo
guud oo lagu ilaashay xayndaabkeeda. Si guud iyo si gaar ag, saldhigyadaasi
waxay dhowrayaan koboca maslaxadda dhaqaale ee bulshada. Iyagu waxay yihiin:
1) Saldhigga koowaad wuxuu yahay, in aragtida
dhaqaale ee islaamku ay raasumaalka ku riixdo dhinaca dhaqaalaha dhabta ah ee
ku salaysan hantida wax soo saarka, badeecadaha ganacsiga iyo xoogga adeegyada.
Bal wuxuu fogeynayaa in dhaqaaluhu uusan noqon mid ku salaysan hantida lacagaha bugta ah oo
leysku khiyaano, kuwaas oo lagu dhiig-miirto dadka dan-yarta ah sida lacagaha
dul-saarka (Ribada) iyo ka faa’iideysiga daymaha.
Hannaankan
ku dhisan lacagaha khariban oo ribada ah wuxuu aadamiga u horseedaa wax-qabad
la’aan, isga oo isla-markaas hor-joogsada wax soo-saarka. Sidaa darteed,
nidaamka hanti-goosiga ah ee hadda dunida ka jira, isaga ayaa leh mugga lacagaha
caalamiga ah ee loo isticmaalo dhaqaalaha dhabta ah ee dunida ku wareegaya.
Lacagtaas ayaa mugga tayadeeda badeecadda ah waxay dhaqaalaha dunida ay ka
tahay 2 % oo keliya. Halka mugga lacagaha xaashiyaha ah ee caalamka
wareegaaleysdanaya ay dhaqaalaha dunida ka yihiin 98 %.
Hannaanka
dhaqaale ee hanti-goosiga waa midka baday caalamka balaayiinta qof oo ku qatan.
Nadaamka ribada ah ee cuna-qabatayntaas u sabab ah, diinta islaamka waa ay
reebtey, weliba waxay ku dartay denbiyada waawayn kuwooda ugu wayn. Sababtu
waxay tahay, ribadu waxay dhistaa nadaam xiran oo saamaxaya in dad tiro yar ay
helaan fursad joogto ah oo lacagtu ay si xad-dhaaf ah ugu qul-qusho. Iyo dadka
intiisa badan oo saboolnimadu ay lafaha ka ruugto. Waxaa ka daran oo ribadu ay
sameysaa kala-fogaanshahaas heerka dhaqaale oo inta yar ay ku nooshahay, in uu
xoogeysto oo uu noqdo mid uusan is-beddel ka iman. Qofa saboolka ah iyo
duriyaddiisu weligood saboolnimo ayay ku cimri-dhameysanayaan. Reeka hantiilaha
ahna iyaga iyo facahooda danbe waxay iska dhaxlayaan hanti ayan weligood ka
faqriyin. Aayadda 175 ee suuradda Al-Baqra waxay kamid tahay aayadaha uu eebbe
inooga digay adeegsaga nadaamkan xaaraanta ah.
“ وَأَحَلَّ
اللَّـهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا
فَمَن جَاءَهُ مَوْعِظَةٌ مِّن
رَّبِّهِ فَانتَهَىٰ فَلَهُ مَا سَلَفَ
”
In
hantida guud ay ururto qoysas gaar ah oo inta kel ay sabool noqdaan, falka
caynkaas ah ka-sokow, ribadu waxay leedahay loofarnimo iyo xad-gudub lacag lagu
cayaaro. Taas oo bulshada u horseedda nacayb, tuugonimo, dhac iyo boob.
Bulshada ribada ku faafto waxaa u dhaqan ah laaluush iyo musuq-maasuq. Waayo
lacagta badan oo oo meel qura ku ururta waxaa ka dhasha awood la timaadda
xad-gudub takri-fal iyo dulmi.
2) Saldhigga labaad ee aragtida dhaqaale ee
islaamku wuxuu salka ku hayaa in seyladaha laga ilaaliyo wax kasta oo dibadda
ah oo saamayn ku yeelan kara qiimaha dhabta ah ee badeecadaha. Taasi macnaheedu
wuxuu yahay in islaamku aad u danaynayo in qiimaha badeecadda lagu dhaqo
sharciga bixinta iyo dalabka (Supply and Demand) oo keliya. Hannaanka
dhaqaalahe ee islaamka wuxuu suuqa ka ilaalinayaa wax kasta oo falaad ah oo wax
u dhimaya socodsiinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Falaad xumida xumeynaya suuqa oo
islaamku uu reebey waxaa kamid ah in lacagta ayan kamid noqon agabka lakala
iibsado, inaan lacag lagu iibsan lacag kale iyada oo faa’iido la raadinayo, in
badeecad seyladda taal aanan laba sicir loo samayn, in sicirku uu ahaado mid
miisaaman oo dad-waynahana u ladifan ganacsadahana uu faa’iidayo, in khiyaano
laga ilaasho tayada badeecadda, in dad gaar ah loo xiro dhaqdhaqaaqa suuqa, in
aanan la-kala iibsan badeecad aanan muuqan iwl.
Intaas
oo falaad xumi ah iyo kuwa lamidka ah dhamaantood waxay curyaaminayaan suuqa oo
ah fagaarihii xarunta u ahayd dhaqaalaha. Waxay bulshada dhexdeeda ku
abuurayaan xasad, nacayb, isku dul-noolaansho iyo dib u-dhac. Sidaa darteed
ayaa quraanku wuxuu hor-joogsaday in si xaaraan ah ay bulshadu u kala
faa’iideysato. Aayadda 29-aad ee suuradda Al-Nisaa ayaa kamid ah bayaanka
quraanka ku yimid ee falaad xumida ganacsiga ka reebtey nadaamka dhaqaale ee
islaamka.
“ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ
آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُم
بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَن تَكُونَ
تِجَارَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ
ۚ وَلَا تَقْتُلُوا
أَنفُسَكُمْ ۚ إِنَّ
اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا
"
Sida
aanu kaga baranay dhaqanka shareecadda iyo axkaamteeda, maahan kuwo qafilan oo
aanan nafis lahayn. Goob walba oo eebbe uu ku xarimay arimo togan oo nolosha la
xiriira, wuxuu ku xalaaleeyey arimo taban oo dhiggooda, kuwaas oo ay dadku ku
beddeshaan. Isla-markaas uga dheef iyo faa’iido badan kuwii laga reebey.
Raxmadda ay aayaddu ku soo af-jartay hooriskeeda, waa liibaanta adduun iyo
aakhiro.
Casharkii 16-aad
Sicirka
oo ag qiimaha wax lagu kala beddelanayo ayaa isna wuxuu yahay qodob muhim ah oo
lagu joogsado marka guud ahaan laga hadlayo dhaqaalaha. Waxaa lagu qeexaa in uu
yahay xiriirka ka dhexeeya laba badeecadood oo kala duwan, kuwaas oo loo soo
bandhigay in leysku beddesho. Waxaa kale oo lagu qeexaa tiro badeecad gaar ah
ah oo looga tanaasulo qayb kooban oo mug badeecad kale ah, taas oo ah ama agab
la adeegsado, ama wax la soo-saaro, ama adeeg. Haddiise la eego dhaqaalaha
lacagta, beesadu waa hantida guud ee ka wakiilka ah qiimaha badeecadaha
lays-dhaafsanayo.
Sicirku
wuxuu saldhig u yahay wax is-dhaafsiga aadamiga. In wax leys-dhaafsado waa arin
qiimo wayn ugu fadhida nolosha. Waana tilmaan kamid ah tilmaamaha uu aadamiga
kaga duwan yahay bahaahimka. Badeecadahaas lays-dhaafsanayo si barbar-socod ah
ayaa qiimahoodu ay isula kacaan ama isula dhacaan. Mar-kasta oo badeecadda
qiimaheedu uu kordho waxaa la kordhaya sicirka qiimaheeda. Arintaasi waxaa ka
dhashay muran la xiriira qiimaha sicir-goynta in ay tahay mid xiriir la leh
xaaladda ganacsatada wax iibineysa iyo in ay tahay mid xiriir la leh xaaladda
bulshada wax iibsanaysa. Sidaa darteed in sicirku uu ku dhaco qaab cadaalad ah,
waa arin muhim u ah dhaqaale-dhiska bulshada.
Haddii
shirkadaha iyo tijaarta ganacsatada ah ay badeecaddooda u doonayaan in ay
faa’iido ka helaan, dad-waynaha wax iibsanaya iyaguna waxay doonayaan in ay
lacagtooda ku helaan wax tayo leh oo ay ku qancaan. Sidaa darteed ayaa islaamku
wuxuu shardi ka dhigey in sicirku uu u dhaco qaab labada daraf ee wax
is-dhaafsanaya uu mid waliba qanacsan yahay. In walaxda la iibsanayo loo dejiyo sicir maahan arin
sahlan oo waxaa ku gadaafan umuuro badan. Laakiin saldhigga ugu wayn oo
qiimeynta sicirka uu leeyahay waxay tahay isu-dhiganta sicirka iyo taklufada
qiimaha is rog-rogaya. Taasina waxay ku fadhidaa faa’iidada guud.
In
badan oo kamid ah aragtiyada dhaqaale waxay arintan ku fasiraan joharadda iyo
qiimaha tayadeeda (essence and content of value). Dugsiyada
dhaqaale-dhaqameedku waa isku khilaafeen waxa uu ku salaysan yahay qiimeynta
sicirka, maadaama qaarkood ay ku kala
soocaan wax soo-saarka kala duwan iyo takaaliiftooda. Iyagu waxay wax badan
daneeyeen diraasda togan oo la xiriira sicir-bararka iyada oo la hor-marinayo
aragtiyo dhaqaale ee hor-joogsata. Si kastaba ha ahaatee, dunida oo dhan ayaa
maanta la ildaran saameynta iyo qaska ka dhashay wax kala iibsiga dhaqaalaha,
iyo isu dheellitirnaan la’aan qotodheer oo dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed.
Taasi waxay horseeday in ay carqaladeyn
ku timaadda caddaaladda wax qaybsiga iyo xasilloonida dunida.
Islaamku
wuxuu ku dhisan yahay in laga taxadaro oo la dhowro maslaxadda qofka iyo kooxda. Mar-walba xeerka wuxuu eegayaa
sidii iyaga u faa’iido leh. Isla-markaas la reebo wixii dhibaato u geysanaya.
Marka laga reebo ogolaanshaha dhex marta qolooyinka qandaraasleyda ah ee wax
kala iibsanaya, iyada oo laga duulayo mabda’a maslaxad ilaalinta ah, ayaa
xeerka Islaamku wuxuu ka mamnuucay dawladda curyaaminta xorriyadda ganacsiga
iyo carqaladayn lagu farageliyo suuqa.
Nebiga
wayn ee islaamka (sh.n.d.a.), ayaa arinta sicirka wuxuu ka ishaaray tacaaliim lama dhaafaan ah ee la xiriira
hannaanka dhaqaale ee taban. Waxaa kamid ah sicir-goynta badeecadda suuqa
(Market Price Adjustment). Fahamka haboon ee uu ishaaray waxaa kamid ah
qiimeynta sicirka suuqa. Xilli ay badeecaddii suuqa tiil kor u kacday ayaa saaxiibadiiswaxay ka
codsadeen in uu sicir u gooyo hantida suuqa taal. Waa uu ka diidey isaga oo u
ishaaray in eebbe uu yahay axdka arsaaqda ciriirsha (Al-Qaabid) oo uu yahay axadka
arsaaqda fidiya (Al-Baasid) axadka wax
arsaaqa (Al-Raasiq). Wuxuu intaas u raaciyey ooraah dahabi ah oo masuul
kasta oo muslin ah, gaar ahaan kuwa samankeenan nool ka mudan in dhegahooda ay
subax walba markay soo kacaan algu dul akhriyo. Suubane Maxamed (sh.n.d.a.)
wuxuu ooraahdiisii ku soo gaba-gabeeyey sidan:
“ anigu waxaan doonayaa in aan eebbe la kulmo iyada oo
uusan jirin qof igu sheegta dulmi aan dulmiyey oo ama dhiig ah iyo ama hanti ah
”.
Waxaa
xadiiska ka muuqata in jaangooyaha arsaaqda uu yahay eebbe. Tusaale-dhig,
xilliga ay barwaaqadu jirto oo dalag badan uu soo go’o iyo xilliga abaartu tahay oo dalaggu ku
yaraado suuqa, isku sicir noqon-maayaan. Sidaas ayuu suubanuhu ugu ishaaray in
si madax-bannaan ay iyagu u maamushaan ganacsiga seyladohooda, iyaga oo aanan
isku-dulmin. Weliba waxaa intaas dheer, haddii xilligaas uu qiimeyn u saari
lahaa badeecadaha, sicirkaas wuxuu noqon-lahaa xeer diineed oo aanan isbeddel
aqbalin, kaas oo tan iyo maanta socon lahaa. Suuragalna ma ay noqoteen in
hannaanka dhaqaale uu ku hagaago.
Casharkii 17-aad
Haddii
islaamku uu si adag u ilaaliyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga seyladaha iyo
badeecadaha yaala, sidaas si lamid ah ayuu u ilaaliyey hufnaanta cumladda wax
lagu kala iibsanayo. Cumladda waa lacagaha xiriirinaya xarakada wax
is-dhaafsiga ee aanan looga maarmin nolosha dhaqaalaha. Sidaa darteed islaamku
wuxuu xoojiyay qeexidda iyo qiimeynta cumladda (lacagta) wax lagu kala
iibsanayo. Sida uu yiri suubanihii Maxamed ahaa: anigu waxaan u soo baxay inaan
dhamaystiro anshaxa intiisa wanaagsan. Ooraahdan waxaa laga fahmayaa in dhaqan
kasta oo aadamiga uu lahaa islaamka hortiis, haddii uu yahay mid togan diintu
waa ay xoojisay. Haddiise uu ahaa mid taban, diintu waa ay joojisay.
Anshaxa
suuban oo diintu ay xoojisay waxaa kamid ah nadaamka dhaqaale oo ganacsiga ku
dhisan iyo cumladda loo adeegsanayo wax is-dhaafsiga. Fuqahada islaamkuna,
kuwoodii hore iyo kuwa casriga waxay isku raaceen in dahabka iyo qalinku ay
yihiin macdan loo adeegsan karo cumladda wax lagu kala iibsado. Waayo taariikh
fog oo lagu qiyaaso 650 sano ch, ayaa aadamigu uu bilaabay in uu cumladda
dahabka iyo qalinka u adeegsado qiimeynta wax is-dhaafsiga. Qarniyadaas badan
oo la adeegsanayay, si wanaagsan ayay macdantan ugu filleyd in ay gutaan
muhimaddaas dhaqaale ee aadamigu uu u hamuun qabay.
Dahabka
iyo qalinka waa laba macdan oo eebbe uu ku abuurey dhulka. Qiimaha ay kaga
duwan yihiin macdanta kale waa nadaafadda iyo adkeysiga uu midabkoodna uusan
isla-beddeleynin. Isla-markaas si fudud ayaa loo qaadan karaa loona keydsan
karaa. Iyagu qiimo gaar ah ayay leeyihiin oo qofka haysta ay u goynayaan. Marka
la raacsho quruxda iyo dhalaalka soo jiidashada leh, tayadooda waxaa kamid ah
in si sahlan loogu garto isha qaawan. Qadar yar oo ka mid ah labadan
macdan waxay la qiima noqonayaan agab
badan ama badeecooyin kala-duwan.
Waxaa
suuragal ah in macdantan la cabbiro lana xakameeyo inta laga sameeyo ah
qadaadiic dahab iyo qalin ah oo leh qiimeyn suuragal ah. Dabadeed loo adeegsado is-dhaafsi walxo,
agab, hal-abuur, adeeg iyo cabbir. Sidaas ayay dahabka iyo qalinku ay ku heleen
qiimeyn caalami ah, isla-markaas leh
awood wax ku-iibsi iyo awood keydin. Quraanku si gaar ah ayuu u xusey labadan
macdan iyo qiimeynta u adeegsigooda hanti ahaan. Aayadda 34-aad ee suuradda Al-Towba,
iyada oo marna ishaaraysa ahaanshaha lacageed ee labadan macdan, marna ka
hor-tegeysi qaab ay bulshada ku dhaawacayaan, ayaa aayaddu waxay tiri:
“ وَالَّذِينَ
يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلاَ
يُنفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ
فَبَشِّرْهُمْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ”
Xuska
labadan macdan lagu xusey aayadda waxay tilmaamaysaa in ay leeyihiin qiimayn
lacageed oo ka duwan qiimaha lacagaha xaashiyaha. In-kasta oo lacagta
xaashiyaha ah adeegsigeeda ay bilaabatay qarniyadii dhexe, misana qiimahooda
waxay ku jaan go’an yihiin awoodda dowladdda lacagtaas samaysatay. Waxaa u
tusaale ah dollarka Mareekanka oo dunida meel-kasta ka socda iyo shilinka
Soomaalida oo xataa dalkii laga lahaa uu gabaabsi ku yahay. Sidaa darteed
lacagta xaashiyaha ah maahan lacag qiimo sugan leh. Fuqahada islaamka kuwo hore
iyo kuwa casriga ah waxay xoojiyeen lacagta ah dahabka iyo qalinka. Waayo waa
lacag qiimaheeda leh. Waxaa hubaal ah dhaqaalaha dunida markii si guud loo
eego, in uu ku jiro sicir-barar xad-dhaaf ah.
Sababta
ugu wayn waxay tahay cumladaha xaashiyaha ah ee suuqa si baahsan ugu jira.
Sidaa darteed qayb kamid ah fuquhada waxay qabaan, in lacagaha xaashiyaha ah
ayan ku bixin zakada. Waxaa hubaal ah xaashida lacagta ah in ayan mid xaashi
ahaan qiimo ku leh, bal heshiisyo dowli ah ay qiimo lacageed ku leedahay.
Tusaale, dollarka oo ah lacagta ugu xooggan oo loo adeegsado ganacsiga
carri-edeg, wuxuu bilowgii ahaa mid ku sidkan qiimo dahab ah oo dowladuhu ay ku
heshiiyeen. Laakiin wixii ka danbeeyey sanadkii 1971-kii, Mareekanka waa uu ka
baxay heshiiskii uu la galay dowladaha adduunka. Wixii sanadkaas ka danbeeyey
dollarku wuxuu ahaa mid xanuun ku haya dhaqaalaha dunida.
Iyada
oo dollarku uu yahay midka lagu kala iibsado inta-badan badeecadaha muhimka ah
iyo kuwa istraatejiga ah, ayuu isla-markaas qayb libaax ka qaataa lacagaha
deynka ah oo ay dowladuhu kala qaadanayaan iyo lacagaha keydka ah. Isaga oo
qiimahaas leh ayuu wuxuu sabab u noqdey bur-bur taxane ah oo uu ku reebey
ummado badan oo dunida ah. Gaajo baahdey, saboolnimo daran, sicir-barar
dhaqaale, dib u-dhac bulshadeed, tabar-darri lagu deyn bixi-waayo, dowlado
dhisnaa oo bur-bura iyo khasaare maaliyadeed oo ku yimaada mashaariic waawayn.
Dowladaha Yurub marka ay isku bahaysanayeen hal-abuurka cumladda Euro, waxay ku
ilaashanayeen hantidooda. Sidaas si lamid ah ayaa Shiinuhu uu u doonayaa in uu
xoojiyo cumladda lacagtiis (Yen). Ruushkuna wuxuu u doonayaa in uu isna xoojiyo
cumladda lacagtiisa (Ruble). Dhamaan isku-deygaas natiijo wayn lagama dhaxlin.
Dhamaan
isku-deygaas natiijo wayn lagama dhaxlin. Waayo waxay u baahan tahay awood
dhaqaale iyo mid ciidan oo xooggan oo ay weheliyaan is-bahaysi siyaasadeed oo caalami ah iyo mu’asasaad
dhaqaale oo u adeegayay cumladda. Mareekankuna labada fagaare waa uga xooggan
yahay Ruushka iyo Shiinaha. Dollarka waxaa dowladda Mareekanka ku garab taagan
oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ay isu-wataan siddeed dowladood oo kamid
ah tobanka dowladood oo dunida ugu hantida badan. Mu’asasaadka xooggan oo
dollarka difaacaya waxaa ugu wayn bank-iga adduunka iyo hay’adda cumladda
dunida IMF. Awoodda intaas le’eg ayuu dollarku ku fadhiyaa oo ayan sahlanayn in
lagula tartam.
Casharkii 18-aad
Haddii
aragtida dhaqaal-yahannadu ay sheegayaan in faqrigu uu ka dhasho hanti-la'aanta
dalka iyo dadka, aragtida islaamku waxay sheegeysaa in faqrigu uu ka dhasho
shaqo la’aanta bulshada. Dal-kasta wuxuu leeyahay kheyraad fara badan ee Eebbe
weyne u sahlay aadanaha in ay ku noolaadaan kuna tarmaan. Dad walbana hantida
ay haystaan waa ugu filan yahay in ay si raaxo leh ugu cayshaan. Isaalmku wuxuu
tilmaamayaa laba arimood oo aanan looga maarmin in hantidaas la calfado. Mid
waxay tahay abaabul shaqo oo laga doonayo waayeelka hoggaanka u haya bulshada.
Iyada oo fahamkaas laga-duulayo, ayaa diinta islaamku waxay ku hor-martay
falsafadda shaqada iyo abaabulka. Aayadda 105-aad ee suuradda Al-Towba ayaa
kamid ah aayadaha xareedda ah ee sida cajiibka ah u tilmaamaya arinkan.
“ وَقُلِ
اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ
وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ
إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ
فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
”
Aayaddu
waa hadiyad laynoogu soo dhiibey suubanihii Maxamed ahaa (sh.n.d.a.). Mar aayaddu waa gooddis leynooga digayo fadhi
ku-dirirka iyo dib u-dhaca nololeed. Mar waa dhiiri-gelin in shaqo iyo halgan
looga gudbo saboolnimada iyo gacan hoorsiga dad asaageen ah. Mar waa hooshaar
iyo sharaf in ilaaha boqorka aanan saamiga uunka lala-wadaagin uu ku eegayo.
Mar waa ballan-qaad abaal-amrin leh oo uu helayo qofkii shaqo wanaagsan u qabta
naftiisa iyo bulshadiisa. Mar waxaa laynoo tilmaamayaa deeqda Eebbe ee faxan,
taas oo aanan wax-qabad waxaanan ahayn aanan lagu gaareynin. Iyada oo intaas oo
garasho ah laga fahmayo aayadda, ayaa misana mucjisada ay xambaarsan tahay
waxay tahay, in aayaddu ayan xusin shaqo
gaar ah. Bal shaqo kasta oo qofka u fudud ayaa qabo la leeyahay, si aad adduun
iyo aakhiro u hesho abaalka shaqadaada.
Sidaas
ayaa qofka wanaagsani uu u yahay qofka had iyo jeer raadiya hor u-mar iyo koror joogto ah oo la xiriira noloshiisa,
aqoontiisa, shaqadiisa iyo waliba cibaadadiisa. Shaqo joogto ah oo lagu baadi
goobayo tayo joogto ah, taas oo dhalisa is-beddel iyo hor u-mar ayaa dhaliya
dhaqaale lagu dhergo. Xikmadaha uu suubanihii inooga reebey oo arinkan
xoojinaya ayaa iyadana waxaa kamid ah, ooraahdii ahayd:
“ من استوى
يوماه فهو مغبون، ومن
كان آخِر يوميه
شرًّا فهو ملعون، ومن
لم يكن على
الزيادة فهو في النقصان،
ومن كان في
النقصان، فالموت خير له
”
Xadiisku wuxuu inoo tilmaayaa qofka ama
bulshada ayan nolosheedu dhanka togan isu beddelin in ay dhanka taban isu
beddeleyso. Xilligan ay ummadaha caalamku ku tartamayaan aqoonta teknolojiyadda
iyo awoodda garashada, ayuu xadiiska ku baaqayaa in dadka uu la hadlayo ay u
halgamaan sidii berridooda ay uga yeeli lahaayeen mid ka wanaagsan maantooda,
shaqada ay qabtaan maalintaas darteed. Ciddii sidaas ku guuleysan weyda waa dad
u hoobtey dhanka dib u-dhaca. Sidaa darteed xaq uma ayan laha in Eebbe
arsaaqdiisa ay ku nicmeystaan. Silica iyo rafaadka ay dhulka oogadiisa ku
mudanayaan iyaga iyo dhashooda, waxaa u dhaama in ay dhintaan.
Ereyga
camalka ah oo aayadda loo adeegsaday, naxwo ahaan lama raacin qodob. Arinkaas
macnaha uu gudanayo wuxuu yahay in shaqada layska doonayo ayan ahayn mid
cayiman. Bal ay tahay shaqo walba oo nafac leh. Hadduu qofku geel raaco iyo
hadduu kalluun dabanayo. Hadduu qofku xamaal noqonayo iyo hadduu xafiis
fariisanayo. Hadduu qofku dayuurad duuilinayo iyo hadduu askari yahay. Muhimaddu
waa shaqo nooc walba oo ay tahay.
Dhaqaalaha
islaamku u dhisayo aadamiga ee cinwaankiisu yahay hantida xalaasha ah waa
midkaas ku yimaada shaqada iyo dadaalka ee ama muruq-maalka ah ama
maskax-maalka ah. Waa dhaqaalaha qorsheysan ee ka dheer waddooyinka musuqa,
eexda, laaluushka, khamaarka, dul-saarka iyo boobka. Waa dhaqaalaha laga
quudiyo dan-yarta, masaakiinta iyo maatada. Isla-markaas shaqo iyo
waxbarasho loogu abuurayo faca
dhallinyarada ah ee u diyaarka ah awood iyo caqli in ay ku xoojiyaan bulshadooda.
Arimaha
mudan in looga daydo ummadaha hanaqaadka noqdey ee casrigan waxaa kamid ah sida
ay bulshadooda u abaabuleen. Dadka afar qaybood ayaa laga dhigay. Qolo waa loo
adeegaa oo waa dadka maatada ah ee aanan wax soo-saarka lahayn. Waxaa kamid ah
caruurta, waayeelka iyo bukaanka. Tiradooda waxay bulshada ka yihiin 25 %. Qolo
waa kuwa u adeegaaya oo iyaguna tiradoodu ay tahay 25 %. Labadaas qolo, wadar
ahaan waa 50 % ee bulshada ah. Kala bar inta hartay oo 25 % ah waa dadka
shaqeeya ee ah muruq-maal iyo maskax-maal. Boqolleyda hartay ee ah 25 % waxay
ka shaqeeyaan adeegyada bulshada (siyaasadda, caafimaadka, tacliinta sare,
ciidamada, garsoorka, amniga, iwl).
Waxaa
halkaas ka muuqata dal-kasta oo kamid ah waddamada horey u-maray,
barwaaqo-sooranka ay ku sugan yihiin waxaa u shaqeeya 25 % oo keliya. Hantida ma-guurtada ah oo Eebbe ugu deeqey oo
ay si cadaalad ah u qaybsadeen iyo talada oo ay wadaageen, isla-markaas
qof-walba oo ay dhigeen martabaddii uu ka mudnaa ayay ku gaareen guusha
nololeed.
Casharkii 19-aad
Sida
aanu soo xusney, marka la eego mafaahiimta diinta islaamka, aragtida hannaanka dhaqaale waa qayb kamid ah anshaxa
guud ee islaamku uu ku maareeyo nolosha gebi-ahaanteed. Ganacsatada iyo
shirkadaha sida gaarka ah u shaqaysta, iyada oo islaamku uu siinayo
madax-bannaani buuxd, a oo ay ku maareynayaan hantidooda ama uu ku
baadi-goobayaan faa’iido xalaal ah, xoriyaddu maahan mid furan oo bilaa-xuduud
ah. Bal waxay leedahay heer lama-dhaafaan ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda
dad-waynaha laga ganacsanayo. Heer-xuduudka n ayaa waxaa lagu soo koobi-karaa
laba qodob. Mid wuxuu yahay heer qofeed oo wuxuu xiriir la leeyahay qeexidda
damiirka qofka (Self-identification) loo xil-saarayo masuuliyadda hantida
bulshada islaamka ah. Qodobka II-aad ee heer-xuduudka, wuxuu xiriir la leeyahay
qeexidda ujeeddada (Objective identification).
Haddii
aanu ku hor-marno xuduudda heerka 1-aad, waxaa xuduud ku ilaashan is-faafreebka
uu qofku is-xakamaynayo. Aqoonta iyo ilaah ka-dhowrsiga lagu doortay qofka
xilka haya, ayaa waxay abuureysaa xuduud uu ku joogsado kuna ilaasho hantida
caamka ah ee lagu aaminay. Qodobkan wuxuu yahay mid ka maqan hannaanka dhaqaale
ee casriga ah iyo kuwa ilaah-garashadu ay ku yar-tahay. Marka laga hadlayo
hanashada damiirka, islaamku wuxuu qof-kasta u yeelayaa mid naftiisa ilaasha oo
la xisaabtama, ka hor inta aan lala xisaabtamin. In uu miisaan isa-saaro ka hor
intaan la miisaamin. Qodobkan maahan mid arimaha maaliyadda oo keliya ku eg,
bal waa mid caam-yeeleysa hawl kasta oo maamulkeed iyo maareynteeda masuul laga
yahay.
Suubanihii
aanu jecleyn ooraah macaan ayuu ka yiri arintan oo waxay ahayd (Mid walba oo
idin-ka mid ah waa masuul, mid walbana waxaa saaran xilka inta uu masuulka ka
yahay). Is-faafreebka qofeed waxay damaanad qaad togan u tahay in khayrka iyo
wanaagga ay ku dhex-faafaan bulshada dhexdeeda. Waa meesha ay u bugto bulsha
walba oo muslin ah ee casrigan jirta. Isla-arintan ayaa waxay sabab u noqotay
in ummadaha islaamka ah ay ku fashilmaan noloshii siyaasadeed iyo middii
bulshadeed. Qodobkan is-faafreebka waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay xuduudda
difaaca hore ee bulshada, taas oo ka hor-joogsanaysa in bulshadu uu dhaqanka ka
xumaado. Cibaadaduna maahan wax dhaafsiisan in nafta lagu edbiyo oo wixii
khalad ka dhaca ay halkaas isaga nadiifiso.
Qodobka
labaad ee qeexidda ujeeddada waa xeerar gaar ah oo mid walba looga hor-tegayo
arimo fashil ku keenaya dhaqdhaqaaqa nolosha dhaqaalaha. Xeerarkan ayaa waxay
isugu jiraan qawaaniin lagu reebayo falalka guracan oo dhaqaalaha laga
raadinayo, laakiin dhaawac u geysanaya nolosha guud. Falalkaas waxaa kamid
ah goobaha khamaarka, guryaha dacaarada, ganacsiga khiyaaneysan,
ganacsiga xirmeyssan, iibsiga agab aanan suuqa oolin iyo nadaamka
dul-saarashada.
Waxaa
qodobkan kamid ah nadaamka kormeerka. Masuulka bulshada waxaa ku waajib ah in
uu kormeero seyladaha, ama uu u wakiisho dad ku filan hawshan. Waxaa arinkaas
lagaga hor-tegayaa, in la ilaasho hantida suuqa taal ee dadku leeyahay.
Isla-markaas la dhawro xuquuqda dadka wax iibsanaya. Si miisaasnkaas uusan u
dheelliyin oo tub toosan ugu hayaamo nadaamka dhaqaale ee islaamka. Suubanihii
Maxamed ahaa (sh.n.d.a.) mararka qaar wuxuu u qasdiyi jirey in uu suuqa
dhex-meero. Iyada oo uu ku tilmaamay in suuqu uusan ahayn meel ku wanaagsan in
lagu raago, misana adeegga laga adeeganayo ka-sokow wuxuu u booqan jiray in uu
khaladka ka saxo.
Haddaba
sida aanu soo xusney, dhibaatada dhaqaale ee dunida haysata haddii
hanti-goosigu xujadeed ka dhigay hantida dabiiciga ah oo dunida ku yar,
Maarkisiyadduna ay xujadeeda ka dhigtay is-diidmada u dhexeeya xoogagga
wax-soo-saarka iyo xiriirka qaybinta. Islaamku labadaas aragtiba waa uu
fashiliyay isaga oo ku baaqaya aayadda aayadda 34-aad ee suuradda Ibraahim:
“ وَآتَاكُم مِّن كُلِّ
مَا سَأَلْتُمُوهُ وَإِن
تَعُدُّواْ نِعْمَتَ اللّهِ لاَ
تُحْصُوهَا إِنَّ الإِنسَانَ لَظَلُومٌ
كَفَّارٌ ” Eebbaha boqorka ah ee milkiyadda uunka
yeeshey wuxuu inoogu baaqay in kheyraad nagu filan uu uunka inoogu diyaarshay.
Waa hanti aanan gabaabsi iyo xaaluf toona ku imaanayn. Laakiin dhibaatada jirta
waa mooryaannimada qofka aadamiga ah, gaar ahaan kuwooda ay ku yar-tahay
ilaah-garashada, kuwaas oo mar-walba u sharaxan in ay is dulmiyaan. Halkii ay
naftooda ku cadibi lahaayeen in ay shaqeeyaan oo baadi-goobaan aqoon ay wax
kula soo-baxaan, waxaa uga sahlan in ay is bililiqeystaan oo is-boobaan. Taas
caksigeeda, islaamku wuxuu ku baaqayaa hor u-mar dhaqaale iyada oo lagu
kicinayo fikir ahaan, caqli ahaan iyo xeer ahaanba. Wax soo saarka islaamku
waxa uu hoos imanayaa mabda'a kormeerka dhexe iyo dawladda oo door hoggaamineed
leh. Wax-soo-saarkuna wuxuu ujeedkiisu yahay inuu qanciyo dhammaan baahiyaha
shakhsiyaadka. Islaamku wuxuu reebayaa wax-soo-saarka kheyraadka qaaliga ah ama
qayb-hoosaadka ah, haddii aan la dhammaystirin wax-soo-saarka agabka lagama
maarmaanka ah. Waxaa intaaqs weheliya oo bulshada islaamka ka reeban gabi
ahaanba soo saarista waxyaabaha raaxaysiga ah iyo kuwa aan xishoodka
lahayn.
WQ. Dr. Saadiq Enow


Comments
Post a Comment