Miisaaniyadda Somaliland 2021

Kahor inta si faahfaahsan aanan u eegin Miisaaniyadda Somaliland 2021, waa in eray ama wax ka badan ka idhaahdaa qeexida. Miisaaniyaddu waa halbeeg dhaqaale (economic instrument) dowladi curiso si ay qorshe-hawleed (roadmap) ay ugu samayso hawlaha mudnaanta hortabinta u leh si sanadle ah. Sikale waa istraajiyad dhaqaale (annual economic strategy) oo lagu qiyaaso dakhliga iyo kharashaadka xilli go’an (specific period), waxa laga milicsadaa arrimaha mudnaanta u leh (reflect on priority issues) dowlada sanad-maaliyadeedka ay ilaha dakhliga, maalgalinta iyo kharash gareynta ku samaynayso. Dowlad bayaanka miisaaniyadu (budget statement) waxa ay ka caawisaa inay mudnaanta siiso baahiyaha kala duwan ee dalka (to prioritise the different needs of country) ha noqoto sugida aminiga, xoojinta dhaqaalaha, kor u qaadida maamul wanaaga, hormarinta waxsoosaarka, dhisida/dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, taageerida qaybaha nugul, ilaalinta saraynta sharciga, baahinta xukunka, ama hagaajinta hab- nololeedka bulshada iwm. 

Sidoo kale miisaaniyada waxa loo diyaariyaa in lagu soo bandhigo dakhliyadda dowlada iyo qorshooyinka kharash gareynta si loo dardargeliyo isbedelka dhaqan-dhaqaale (to accelerate socio-economic transformation), waa aaladda ugu muhiimsan ee ay dowlad u adeegsato in ay u turjunto himilooyinka hormarineed ee qaranku (to translate development aspirations of the nation) u leeyahay mustaqbalka, iyada oo bayaanka ku soo bandhigaysa hawl-qabadyada hortabinta u leh sanadka. Ujeedada miisaaniyad dowladi uga gol leedahay waxa ka mid ah; dib u qoondaynta khayraadka (reallocation of resource), yaraynta sinaan la’aanta dakhliga iyo hantida (minimize inequalities income and wealth), yaraynta kala duwnaaanshaha gobolada (reducing regional disparities) iwm.

Xarunta Daraasaadka Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee ESAC waxa ay idiin soo bandhigaysaa falanqayn qotodheer oo ay ku samaysay miisaaniyadda Somaliland 2021. 

Si aad u akhrido faaladda warbixinta oo Somali iyo English ku qoran guji lingaxan hoose

ESAC presents an in-depth analysis of the Somaliland 2021 Budget. Click and read more below the link


https://www.horndiplomat.com/2021/01/14/somaliland-budget-analysis-2021/

Comments

Popular Posts