Caqabadaha Dhaqaale ee Somaliland

Somaliland waxa ay la deris tahay caqabado dhaqaale oo waaweyn kuwaas oo wiiqay hormarka iyo kobocaha dhaqaalaha  tan ilaa 1991 (undermined the development and growth of the economy). Caqabadaha wiiqay ama yareeyay koboca  hormarka, waxsoosaarka,  korintaanka dhaqandhaqaale iyo koriinka hab nololeed muwaadinka  waxa markii u horeysay la abaabulay shirka Madasha Dhaqaalaha Somaliland, waxa si guud khubaradii ka qaybgashay magac dhabeen tiirarka u waaweyn dhibaatooyinka dhaqaale ee la dheraran Jamuuriyadda, waxa ka mida;

1. Dhaqaalaha guud iyo dakhliga  dowladdu wuxuu aad ugu tiirsan yahay soo dejinta badeecadaha ganacsiga, (the general economy and revenue of government is very dependent on import  goods),  sannadkii hore waxa ay la soo degtay alaab qiimo ahaan dhan $2.6 billion, halka ay dhoofisay $261 million waxa u dhaxeeya farqi weyn iyo isdhin ganacsi ah oo idil $2.3 billion waa dhiigbax dhaqaale (economic bleeding), waa sababta aynu ugu nugul nahay isbedeladda iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dunida ka dhaca, sidoo kale waa sababta uu u hooseeyo koboca waxsoosaarka guduhu. Khasaaraha ganacsi dheelitir la'aanneed  waxa kaba lacagaha adag ee dalka ka soo gala xawilaadaha, kaalmadda iyo dhoofka xoolaha. 

2. Waxa aad u sarreeya heerka shaqo la'aanta, cududda shaqaalaha (labor force) dadka gaadhay aminta shaqada ayaan helin fursad shaqo, maalgelin iyo garabgal. Heerka shaqo la’aanta waxa lagu qiyaasay in ay shaqo la’a yihiin 38% ragga iyo dumarka 17%.

3. Somaliland saboolnimada iyo cunto-yarida (poverty and food insecurity) ayaa si weyn ugu baahsan guud ahaan dalka Baanka Adduunku, wuxuu sheegay in dadka ku nool dhulka miyiga (rural area) ay 37% ku nool yihiin xaalad faqri xad dhaaf ah (extreme poverty), halka 29.7% bulshada ku nool magaalooyinku ay yihiin sabool (urban areas). Taas oo macnaheedu tahay in ka badan saddexdii qof hal qof ee ku nool miyiga ayaa ku nool nolol saboolnimo ah. Sidoo kale in ka badan afartii qof hal qof oo ku nool magaalooyinka ayaa ku nool faqri sida warbixinta lagu tibaaxay. Dadweynaha dalka ku nool saddex meel, hal meel waxa ay ku nool yihiin saboolnimo daran.


3. Guud ahaan waxa aan jirin kaaboyaal dhaqaale oo kor u qaada isku socodka bulshadda iyo ganacsiga, qeyb weyna ka qaata isku xidhka dalka iyo hormarka dhaqaalaha (absence of strong infrastructure that promotes the flow of society and business). Kaabayaasha dhaqaalaha waxa ka mida oo mudnaan hortabin leh wali se liita waa waddooyinka, garoomadda diyaaradaha iyo dekadaha. Wadarta guud ee bedka dhulka Somaliland waxa lagu qiyaasaa 176,000 Km2, gabi ahaan waddooyinka samaysan waxa lagu qiyaasaa 780km  waddooyin laami ah (paved roads), 12000km waddooyin jid cade ah (unpaved roads with easy motorable),  iyo 6800km waddooyin aad Raf u ah oo aan lamay lahayn (unpaved roads motorable difficults). Badi waddooyinkani waxa la dhisay 1972 iyo 1982, waxa ay leeyihiin dildilaacyo, godod iyo biriijyo la'aan laakiin hadda badi waa baa'ba, waxa ay u baahan yihiin dib u dhisid iyo dib u nashqadayn. Waxa jirta hal deked (Berbera) taas oo qaadkeedda alaabta iyo adeegga ay qabataa liidato. Waxa ilaa hadda aan laga faa'ideysan bogcadda istraatijiyadeed ee Badda Cas iyo Marinka Baabal Mandab. Waa il-dhaqaale badan inaga soo gali lahaa haddii laga faa'idaysan lahaa kaabayaasha ay u baahantaya bogcadu sida dekaddo waaweyn iyo yaryar, huteelo dalxiis, gaadiidka badda iyo arrimo badan la abuuri lahaa.

4. Dalagyadda waxsoosaar ee gudaha ka soo baxaa, waa hooseeyaan ilaa xad, 3% ayaa hadda la beeraa bedka dhulka Jamuuriyadda.  Waxa jira siddeed ban (eight agro-ecological zones) oo ku habboon dalaga iyo qoddaalka laakiin labo kaliya ayaa la beeraa. Inta yar ee la ka beerano ma badna waxa  wehlisa tayo darro, farmaso xumo iyo qalab la'aan. Habka beeraha loo beerto waa hab duugga oo aan ilo dhaqaale oo buuran  soo saarayn. Waa beero  loogu talogalay kaliyaata maaraynta masruufka nolosha reerka (substance farming) iyo beer roobaadka (rain fed). Wali looma guurin hab beerashadda qadiimiga ah oo looma guurin in beeraha laga dhigo beero ganacsi (commercial farming), si waxsoosaarku u kordho iyo beer waraab (irrigation  farms), farsamadda casriga ah la jaanqaadaya.

5. Xaaladdaha waxaa sii xumeeyay ilaa hadda waxa aad u hooseeya kartida karaanka dadka (Human Capacity), Halbeegga HDI of Somaliland waxa lagu qiyaasaa 0.351 taas oo muujinaysa in ay hooseeyso hab nololeedka, dakhliga, badqabka, xirfadaha iyo cilmiga qofka muwaadinka ah ilaa xad. Awoodda wax-akhrisku waxay ka hoosaysaa 45%, iyo 20% oo keliya dumarka. Cunista qaadka waa dhibaato bulsheed oo baahsan oo haysata in ka badan kala badh dadka qaangaadhka ah, sidoo kale daciifiyay caafimaadka qofka iyo dakhliga dhaqaale ee soo gala. Qaadku waa shayga loogu soo iibsiga badan yahay waxa ku baxa lacag ka badan $700 million qiyaastii sannadkii. 

6. Helitaan la'aanta deynta (Lack of Accessibility to debt) Somaliland ma awoodi karto in deyn caalamiya ay qaadato ama la siiyo sharci ahaan maadaama ay tahay dal bilaa aqoonsiya. Bangiyadda dunida iyo dalalku uma ogola in ay amaah lacageed ama mashaariiceed siiyaan. Helitaan la'aanta deyntu waxa ay fashilisay hormarkii iyo kobicii dhaqaalaha.


7. Saylad la'aanta khayraadka xoolaha, iyo  kalluunka (lack of foreign market to export animal and marine resources). Kalluunka oo qani dalku ku yahay ayaa nasiib darro anay jirin hal waddan oo loo iibgeeyo iyo isticmaalka dadka oo sarreeya. Isticmaalka cunista kalluunka iyo dhoofintiisu waa mid aad u hoosaysa hormar badan lagama samayn. Kalluunka ay la soo baxdo waxa ka badan kalluunka qasaacadaysan ee ay dibada ka soo dhoofsato jamuuriyaddu. Qiimayn wasaaradda xoolaha iyo kalluumaysigu samaysay kala saraynta kalluunka badda lagala soo baxay sannadkii 2021 ayaa dhammaa 2.7 million kg iyo kalluunka  qasaacadaysan ayaa lagu qiyaasay  12,658 tan. Dhoofinta xoolaha oo ah isha ugu weyn waxdhoofinta Somaliland waxa uu ku tiirsan yahay hal suuq (rely on single market). Ku tiirsanaanta halkaa suuq waxa ay caqabad weyn ku tahay dhoofinta xoolaha maadaama marar badan dalkaasi xayiraado (restrictions) ku soo rogay xoolaha taasna waxa ay dhiig bax ku tahay dalka. 

8. Shuruuc la'aan ilaa hadda lama curin sharciyo tiir dhexaad u ah hannaanka dowladnimadda ee ganacsiga, baananka, maaliyadda, waxsoosaarka, iyo qayb kale. Shuruucda mudnaanta lahaa ilaa hadda aan la hindisin waxa ka mida PPP policy, Weight and Measurement Act, Protections  Bill, Intellectual Right Property Act. 

9. Wacyiga bulshadda ee caymiska la xidhiidha oo liidata. 

10. Dhibaatada kale ee ugu weyn ee qaybta bangiyada dalka waa maqnaanshaha hanti ku filan (absence sufficient capital) iyo adeegyo fudud oo deyna. Haddii maalgashadayaal ay u baahdaan deyn baanka dhexe awood maaliyadeed ma leh uu uu ku siiyo lacag mashruuc ama Kab lacageed, isla sidaas shirkadaha caymisku ma awooddaan inay bixiyaan caymiska maalgashadayaashu u baahan yihiin. Sidoo kale baanka dhexe lacag uma xawli karo si caalamiya baan kale. 

11. Miisaaniyada dawladda, afar meelood saddex meel 3/4 waxa ay ku baxdaa mushaharka shaqaalaha iyo kharashaadka shaqo socodsiinta. 25% dadku cashuurta ma bixiyaan, taas oo sababtay ilaa hadda in dakhliga dowladdu hooseeyo marka loo barbar dhigo dowladaha mandqada. Cashuurta laga qaado shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar oo isku mid ah (flat tax) halkii ay ahayd inay noqoto progressive tax. 

12. Bogcadda juqraafiyeed ee aan ku naal waa goob ay ka aloosan yihiin dagaalo caynba  cayna, sawirka maalgashadayaashu ka haystaan waa mid aan fiicnayn

13. Biyuhu waa xaquuq dastuuriya ah, waa aasaaska jiritaanka nolosha bini’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badan loogu sheegay Qura’anka Kariimka. Biyo la’aanta Adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa gaar ahaan inta badan waddamada soo koraya (developing countries), ayaa ah halis ay wajahayaan bulshoooyinka ku dhaqan wadamadaas. Somaliland waxa ay wajahaysaa halis biyo yari korodhka degdega ah ee magaalooyinka. 40% ilaa 60% dadku weli ma haystaan biyo nadiif ah oo la cabo, waxa ay inta badan ka cabaan ilaha biyaha furan sida ceelasha, balayada, dhijaamaha, biyaha roobka, qulqulka durdurada, iyo biyo xidheenada.



Comments

Popular Posts