Hoos u dhaca dhaqaale ee Somaliland iyo saamaynta COVID-19
Xarunta ESAC ee daraasaadka Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda waxa ay Maktabadda Qaranka ee Silanyo National Library, Hargeysa ku soo bandhigtay 26-10-2020 warbixin E-report ah oo uu qoray Bashir Mohamed
Warbixinta oo faallo iyo falanqayn cilmiyaysan soo bandhigaysa waxa ay diiradda saaraysaa hoos u dhaca dhaqaale, caqabadaha iyo saamaynta COVID-19 ku yeeshay addimada dhaqaalaha Somaliland ee dhinacyada dakhliga gudaha (domestic revenue), dhoofka xoolaha(Livestock export), soodejinta alaabaha(Import goods), qulqulka ganacsiga (trade flow), lacagaha la soo xawilo (Inward Remittance), miisaaniyada dowlada (Government budget), dhaqan-dhaqaale (Socioeconomic) iyo meelo kale oo muhiim ah.
Daraasada qoraalka oo u qoran hab saxaafadeed (Journalistic Style) iyo hanaanka qaab ee ay daabacan tahay oo ah E-journal, waxa lafa-gur, falanqayn iyo faahfaahin ku sameeyay oo soo jeediyay saddex aqoonyahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed, Mubarak Muuse iyo Xamda Raage oo mid walba waax gaar ah (special sectors) oo warbixinta daraasada ka tirsan diirada saaray.
Intiina xiiseeynaaysa warbixintu, waxaad kala daalacan kartaan lifaaqa hoos ku xusan:



Comments
Post a Comment