Miisaaniyadda Somaliland 2022

Guudmar Dhaqaalaha iyo Miisaaniyada

Somaliland waa dal madax banaan oo dhaca Geeska Africa, oo u taagan nabad, dimuqraadiyad, xasilooni, barwaaqo iyo iskaashiga mandaqadda, waxa si rasmiya loogu dhawaaqay in uu ka go’ay Jamuuriyadda Somalia 1991. Waxa ay xuduud la wadaagtaa Djibouti dhanka Galbeed, Itoobiya Koonfurta, Yemen Waqooyiga iyo Somalia dhanka Bariga. Waxa ay leedahay xuduud dheer oo furan iyo dakhli dhaqaale oo si weyn ugu tiirsan ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan badeecadaha la soo dhoofiyo ((highly dependent on import trade), xoolaha, xawaaladaha iyo kaalmadda deeqaha.

Halbeega waxsoosaarka dhaqaalaha gudaha (GDP) Somaliland waxa lagu qiyaasaa $2.9 Billion, halka 2022 xadiga odoroska koritaanka sanadluhu (annual growth rate) ee heerka waxsoosaarka guud yahay dhexdhexaad mudada dhexe 2%. Somaliland tirada dadka kunool waxa lagu qiyaasaa 5.7 Milyan oo qof, halka saami dakhli ee waxsoosaarka qofku (GDP per capita income) waa $697 (2020) [1] oo la micno ah in qofku maalinta uu ku noolyahay (living current per capita) wax ka yar $1.5 (Power Purchasing Parity), waana mid ka mid ah kuwa ugu hooseeya dunida. GDP-gu Ku dhawaad waxa uu ka soo galaa xoolaha 30%, waxa ku xiga ganacsiga 24%, xawaaladaha 22%, beeraha 8%, dakhliga cashuuraha 7%, hantida ma guurtada 6% iyo 3% qaybaha kale.

Baanka Hormarinta Africa (ADB), waribixintiisa 2020 sanadlaha ah (Economic Outlook Paper) [2] waxa uu ku sheegay in wadamadda Bariga Africa ay hoggaaminayaan koboca hormarka dhaqaalaha qaarada (economic development growth) iyadoo lagu qiyaaso korodhka GDP-ga 5.1% (Pre-covid-19), waxa ku xiga wadamadda Waqooyiga 4.9%, Galbeedka Africa 3.3%, Badhtamaha qaarada 2.2%, iyo dalalka Koonfurta Africa oo la saadaaliyay koboca korodh dhaqaale 1.2%. Rwanda waa waddanka koboca dhaqaalaha Bariga Africa horboodaysa kobiciisa dhaqaale waxa lagu qiyaasaa 7.8%, Itoobiya 7.2%, Tanzania 6.6%, Kenya 6%, Djibouti 5.9%, Uganda 5.3%, Somalia 2.9% iyo Somaliland 2%.

Somaliland saboolnimada iyo cunto-yarida (poverty and food insecurity) ayaa si weyn ugu baahsan guud ahaan dalka Baanka Adduunku, wuxuu sheegay in dadka ku nool dhulka miyiga (rural area) ay 37% ku nool yihiin xaalad faqri xad- dhaaf ah (extreme poverty), halka 29.7% bulshada ku nool magaalooyinku ay yihiin sabool (urban areas). Taas oo macnaheedu tahay in ka badan saddexdii qof hal qof ee ku nool miyiga ayaa ku nool nolol saboolnimo ah. Sidoo kale in ka badan afartii qof hal qof oo ku nool magaalooyinka ayaa ku nool faqri sida warbixinta lagu tibaaxay. In kasta oo dalku aannu haysan aqoonsi rasmi ah oo calami ah waxa aad u hooseeya xadiga shaqada iyo heerka maalgashiga, heerka shaqo la’aanta waxa lagu qiyaasay in ay shaqo la’a yihiin 38% ragga iyo dumarka 17%. [3]

Dhaqaalaha Somaliland waxa hoos u dhac la taaban karo ku keenay xanuunka safmareenka karoona fayras, ayaxa, xayiraada moosinka xajka, iyo hakadka isku socodka gaadiidka. Lixdii bilood ee hore 2021 waxa ay diwaangalisay isdhin ganacsi (trade deficit) oo dhan $876 Milyan iyo hoos u dhac dakhli 3.5% ah, waxay la soo degtay alaab qiimaheedu tahay $ 1.0 Bilyan halka ay dhoofisay waxsoosaar qiimihiisu yahay $ 146 Milyan.[4] Maadaama ay si weyn ugu tiirsan tahay waxasoodejinta tani dalka waxa ay sababtay xasilooni la’aan dhaqaale (instability economy) iyo isku dheelitirnaan la’aan ganacsi (imbalance trade).[5]


Faahfaahin si aad u akhrido faaladda warbixinta hoos guji

https://bandhige.com/maqaallo/falanqayn-miisaaniyadda-2022-wq-bashiir-maxamed-bashiir

Comments

Popular Posts